Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Munaasabadda daah-furka rasmiga ah, waxaa goobjoog ka ahaa oo xarigga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamsa Cabdi Barre.
Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA) ayaa tallaabo horumar leh qaaday kadib markii laga hirgeliyay Terminaalka cusub ee Arimas.
Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in ay wax ka beddesho adeegyada duulimaadyada, kordhiso awoodda qaabilidda rakaabka iyo xamuulka, isla markaana ay garoonka ka dhigto mid la tartami kara garoomada gobolka.
Mashruucan ganacsi ee ballaaran waa miro-dhal ka dhashay iskaashi istiraatiiji ah oo dhexmaray Shirkadda Arimas, oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, iyo Shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka. Tani waxay muujinaysaa awoodda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, iyada oo la isku xirayo hantiileyaasha maxalliga ah iyo khibradda caalamiga ah.
Munaasabadda daah-furka rasmiga ah, waxaa goobjoog ka ahaa oo xarigga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamsa Cabdi Barre.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa mas'uuliyiin sarsare oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Duhulow, iyo Agaasimaha Dalka ee Favori Airports, Mustafa Durgut.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid "casriyeynaysa kaabayaasha dalka," taas oo albaabada u fureysa maalgashi caalami ah iyo koror ku yimaada dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu-socodka ee caasimadda.