Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika, oo lagaga hadlay arrimo la xiriira dhaqanka, hal-abuurka, horumarinta taariikhda Afrika iyo xoojinta doorka dhallinyarada, si loo dhiso bulshooyin adkeysi leh loogana gudbo caqabadaha horyaalla qaaradda.
Shirka, oo si rasmi ah uga furmay xarunta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday dowladaha Afrika, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaal dhallinyaro oo ka kala yimid Afrika iyo dalal kale. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Afrika ee dhinacyada dhaqanka, hal-abuurka, taariikhda iyo horumarinta awoodda dhallinyarada.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada dhaqanka, hal-abuurka iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, isagoo xusay in horumarradaasi ay saldhig u yihiin xasilloonida iyo dowladnimada dalka.
Gabagabadii shirka, ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladaha iyo shucuubta Afrika iyo bulshada caalamka. Waxay sidoo kale adkeeyeen doorka wada hadalka, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo ilaalinta qiyamka bulshada Afrika ee lagu xaqiijinayo horumar iyo iskaashi waara.























