Erdogan oo Pezeshkian kala hadlay in wadaxaajoodka Maraykanka iyo Iiraan ay xaqiijiyaan nabad waarta

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga oo kaashanaya dalal kale uu sameeyay dadaallo xooggan intii lagu guda jiray geeddi-socodka horseeday xabbad-joojinta.

By
[Sawir hore] Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo Madaxweynaha Iiraan Pezeshkian. / AA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Masoud Pezeshkian, iyagoo ka wada hadlay xabbad-joojinta ku meel gaarka ah ee laba toddobaad ah ee u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan iyo guud ahaan amniga gobolka.

Sida lagu sheegay bayaan Khamiistii ka soo baxay Waaxda Isgaarsiinta Turkiga, Erdogan ayaa sheegay in Turkiga, oo la kaashanaya dalal kale oo ay khusayso arrintu, uu sameeyay “dadaallo xooggan” intii lagu guda jiray geeddi-socodka horseeday xabbad-joojinta.

Wuxuu ku booriyay in wadaxaajoodyada Maraykanka iyo Iiraan ee la filayo inay maalmaha soo socda ka bilaabmaan Pakistan si buuxda looga faa’iideysto si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “in aan fursad la siin kuwa doonaya inay carqaladeeyaan” geeddi-socodka nabadda, isagoo muujiyay diyaar garowga Ankara ee ah inay bixiso “taageero kasta oo suurtagal ah marxaladda cusub.”

Erdogan ayaa sidoo kale Arbacadii intii uu khadka telefoonka kula hadlayey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sheegay hadallo la mid ah, isagoo xoojiyay baahida loo qabo in si wax ku ool ah looga faa’iideysto muddadan isla markaana ka digay falal kasta oo wax u dhimi kara geeddi-socodka.

Arbacadii, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa uga mahadceliyay Turkiga, Shiinaha, Sacuudiga, iyo xulafada kale “taageeradooda qiimaha leh” ee lagu xaqiijiyay xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay inuu huro wax kasta oo suurtagal ah marxaladda cusub isagoo la kaashanaya dalalka saaxiibka ah iyo bah-wadaagtiisa.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey khasaaraha soo gaaray “dadka walaalaha ah ee Iiraan.”

Erdogan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday wicitaanno isdaba joog ah si loo dardargeliyo wadaxaajoodyada nabadda ee Maraykanka iyo Iiraan.

Iiraan iyo Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqay xabbad-joojin laba toddobaad ah oo loogu talagalay in gogol xaar loogu sameeyo heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaalka sababay boqolaal dhimasho iyo dhaawac ah tan iyo 28-kii Febraayo.

Wareegga ugu horreeya ee wadaxaajoodyada rasmiga ah ayaa la filayaa inuu Sabtida ka dhaco Islamabad.