Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Xasan Maxamed Cali, ayaa Khamiisti magaalada Muqdisho si nabad ah ugu soo dhaweeyay 174 muwaadin oo Soomaali ah oo dib looga soo celiyay dalka Liibiya, halkaas oo ay ku go’doonsanaayeen.
Dhallinyaradan ayaa soo maray xaalado adag oo dhinaca bini’aadanimada iyo amniga ah, kuwaas oo isugu jiray xabsi, tacaddi, iyo duruufo nololeed oo aad u adag.
Hawlgalkan oo ahaa mid naf-baadin ah isla markaana si mutadawacnimo ama ikhtiyaari ah ku dhacay, ayaa bixinaya waddo ammaan ah oo lagu soo badbaadinayo tahriibayaasha go’doonsan.
Tallaabadan oo ay si wadajir ah isugu dubbarideen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), ayaa muwaadiniintan siinaysa fursad sharaf leh oo ay dib ugu dhistaan mustaqbal ifaya oo rajo xambaarsan gudaha dalkooda hooyo.
Dib-u-soo-celintan ayaa ah qayb ka mid ah qorshaha joogtada ah ee xukuumadda oo ujeeddadiisu tahay in lagu caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Dadaalkan ayaa daba-socda booqashadii dhawaan uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu ku tagay dalka Liibiya, taas oo gacan ka gaysatay dardargelinta xiriirka iyo isku-dubbaridka soo-celinta nabdoon ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo hawlgalkanna ay hormuud ka ahayd Waaxda Arrimaha Qurbajoogta oo kaashanaysa Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Socdaalka.
Markii ay dalka soo gaareen, dhallinyaradan ayaa helay caawimaad degdeg ah, oo ay ku jiraan daryeel caafimaad, hoy ku-meel-gaar ah, iyo taageero dhinaca dhimirka ah, iyadoo dib-u-dhexgalkooda bulshadana lala kaashanayo barnaamijyada qaranka ee arrintaas khuseeya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa mar kale xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta meel kasta oo ay joogaan, iyo in wax laga qabto sababaha aasaasiga ah ee keena tahriibka iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.























