| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Labada mas’uul ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey diyaar-garowga Soomaaliya ee ka qaybgalka shirka caalamiga ah ee cimilada COP31 ee soo socda.
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Isniintii kulan miro-dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta deegaanka, yareynta iyo la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo istaraatiiji ah oo lagu taageerayo koboca dalka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey diyaar-garowga Soomaaliya ee ka qaybgalka shirka caalamiga ah ee cimilada COP31 ee soo socda. Waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay soo bandhigto mowqif qaran oo mideysan si loo kordhiyo fursadaha lagu heli karo maalgelinta caalamiga ah ee arrimaha cimilada iyo taageerada farsamo.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo xoojinta iskaashiyada ka caawinaya Soomaaliya wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo isla markaana la horumarinayo mudnaanta dalka ee dhinacyada deegaanka iyo horumarinta.

XIGASHO:SONNA