| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
NIEBC oo Xirtay Gudbinta Liiska Musharraxiinta Doorashooyinka Ku-celiska ah ee Galmudug
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay in la xiray gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka ku-celiska ah ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan Dawlad-goboleedka Galmudug.
NIEBC oo Xirtay Gudbinta Liiska Musharraxiinta Doorashooyinka Ku-celiska ah ee Galmudug
NIEBC oo Xirtay Gudbinta Liiska Musharraxiinta Doorashooyinka Ku-celiska ah ee Galmudug / SONNA

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay in la xiray gudbinta liisaska musharraxiinta doorashooyinka ku-celiska ah ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan Dawlad-goboleedka Galmudug.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Guddigu hirgelinayo jadwalka doorashada ee uu soo saaray 31-dii Agoosto 2026, isla markaana uu isu diyaarinayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 30-ka Sebtembar 2026.

Guddiga ayaa ururrada siyaasadda iyo dhinacyada ay khuseyso doorashada ee Galmudug ku wargeliyay in muddadii loogu talagalay gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka ku-celiska ah ay si rasmi ah u xirmatay.

XIGASHO:SONNA