MW Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan
Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay mudnaanta siiyaan danaha qaranka—gaar ahaan amniga—ayna xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada inta lagu jiro bisha barakeysan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka munaasabadda bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah loo taageero Soomaalida ay saameysay abaarta ka jirta dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadin gaar ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda habeen iyo maalin ah ee ay ku difaacayaan nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed inkastoo ay wajahayaan duruufo adag. Waxa uu ku ammaanay doorkooda muuqda ee ku aaddan sugidda amniga, xoreynta deegaannada, iyo xasillinta dalka.
Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay mudnaanta siiyaan danaha qaranka—gaar ahaan amniga—ayna xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada inta lagu jiro bisha barakeysan.