| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya
Caption: Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Talaadadii xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah, saaxiibtinimada iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano wadaag ah.

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa Dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay guud ahaan dalka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Kulanka kaddib, Guddoomiyaha iyo Safiir Alkan, oo uu wehelinayay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Golaha Shacabka iyo hoolka ay ka dhacaan fadhiyada guud ee Baarlamaanka.

XIGASHO:SONNA