Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka dalka Spain, kaddib markii ugu yaraan 68 qof ay ku dhinteen, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, shil ay isku dhaceen laba tareen oo xawaare sare ku socday.
Fariin uu Arbacadii soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada NSosyal, ayuu Madaxweyne Erdogan ku sheegay inuu murugada la qaybsanayo qoysaska dadkii ku nafwaayay masiibadan, isagoo kuwii dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
“Anigoo ku hadlaya magaca dalkayga iyo shacabkayga, waxaan si kal iyo laab ah murugada ula qaybsanayaa ehelada dadkii ku dhintay shilkan. Waxaan dowladda iyo shacabka Spain u dirayaa farriin muujinaysa midnimada iyo garab-istaagga Turkiga,” ayuu yiri Erdogan.
Baroordiiq Qaran iyo Baaritaan Madax-bannaan
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa dalkaas uga dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah. Kaddib kormeer uu ku tagay goobta uu shilku ka dhacay ee gobolka Castilla-La Mancha ee bartamaha Spain, ayuu sheegay in qaranku uu gabi ahaanba murugeysan yahay.
“Spain oo dhan ayaa baroordiiq ku jirta,” ayuu yiri Sanchez, isagoo xusay inaysan la aqbali karin in dal sida Spain oo kale ah uu hal sano gudihiis wajaho laba masiibo oo noocan ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wacad ku maray in baaritaan madax-bannaan lagu sameyn doono, lala xisaabtami doono cid kasta oo mas'uuliyaddeeda dayacday. “Waxaan si buuxda u baari doonnaa waxa dhacay. Haddii ay jirtay dayacaad, waa la ogaan doonaa,” ayuu raaciyay. Dhankiisa, Madaxweynaha gobolka Castilla-La Mancha, Emiliano Garcia-Page, ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay intaas ka sii badan karto maadaama xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyadu ay culus tahay.
Cilad ku timid Nidaamka Badbaadada Tareennada
Mar uu ka hadlayay sababta dhalisay shilkan, Wasiirka Gaadiidka Spain, Puente, ayaa xaqiijiyay in cilad dhanka kombiyuutarrada ah oo dhacday abaare 8:30 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah ay saameysay qayb ka mid ah waddada tareennada oo dhererkeedu dhan yahay 60 kiiloomitir.
Ciladdan ayaa hakad gelisay nidaamkii otomaatigga ahaa ee badbaadada tareennada, waxaana halkaas ku istaagay lix tareen oo marayay aagga ay dhibaatadu saameysay. Xarunta maamulka tareennada ee loo yaqaan 'Adif' ayaa markaas si toos ah ula wareegtay hagidda isu-socodka iyo is-gaarsiinta tareennada.
Sida xogta lagu helay, xarunta 'Adif' ayaa abaare 8:36 subaxnimo u oggolaatay tareen gadaal ka socday inuu safarkiisa si caadi ah u sii wato, taas oo dhalisay inuu si xawli ah ugu dhaco tareen ay leedahay shirkadda Iryo oo markaas meesha taagnaa.























