Iiraan oo gantaallo la beegsatay Ras Laffan iyo Qatar oo sheegtay in uu jiro "waxteello ballaaran"

Ras Laffan, oo 80 km waqooyi ka xigta Doxa, ayaa ah xarun warshadaha tamarta ah oo martigelisa dhowr shirkadood oo caalami ah.

By
Shaqaalaha xarumaha LNG ee Ras Laffan ee Qadar ayaa laga daadgureynayaa, ka dib hanjabaadii Iiraan ee ahayd inay weerarto xarumaha tamarta ee Khaliijka. / Reuters

Shirkadda shidaalka ee dowladda Qatar ee QatarEnergy ayaa sheegtay in “waxyeello ballaaran” ay soo gaartay kadib markii Magaalada Warshadaha ee Ras Laffan ay la kulantay weerarro gantaallo ah, wax yar kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ay soo warisay dab ka dhashay weerar ay Iiraan ku qaaday aaggaas.

“Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa si degdeg ah loo diray si loo xakameeyo dababka ka dhashay,” ayay shirkadda labaad ee ugu weyn adduunka ee dhoofisa LNG ku sheegtay bayaan ay soo saartay Arbacadii. Wax khasaare nafeed ah lama soo sheegin, dhammaan shaqaaluhuna waa la xaqiijiyay joogitaankooda, ayay tiri.

Qatar ayaa bayaan ku cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay inuu yahay “khatar toos ah” oo ku wajahan amniga qarankeeda. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa intaas ku dartay in Iiraan ay ku adkaysanayso inay bartilmaameedsato Qatar iyo dalalka deriska la ah qaab “aan masuuliyad lahayn.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qatar ayaa horay u sheegtay in shaqaalaha difaaca madaniga ah ay la tacaalayeen dab ka kacay aagga Ras Laffan kadib weerar Iiraan ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dabka ka kacay aagga Ras Laffan si hordhac ah loo xakameeyay, iyadoo aan wax dhaawac ah la soo sheegin.

Digniin daadgureyn oo loo diray dhowr xarumood oo shidaal

Ras Laffan, oo ku taalla 80 km waqooyi ka xigta Doha, waa xarun warshadaha tamarta ah oo martigelisa dhowr shirkadood oo caalami ah.

Iiraan ayaa hore u soo saartay digniin daadgureyn oo ku wajahan dhowr xarumood oo shidaal oo ku kala yaalla Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Qatar, oo ay ku jirto warshadda sifeynta Ras Laffan, iyadoo sheegtay in lagu beegsan doono weerarro “saacadaha soo socda,” sida ay warbaahinta dowladda Iiraan soo werisay.

Xarumaha LNG ee Ras Laffan ee Qatar ayaa la daadgureynayaa, sida uu sheegay ilo xog ogaal u ah arrinta Arbacadii, kadib hanjabaadda Iiraan ee ku aaddan weerarka xarumaha tamarta ee Khaliijka.