MW Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo isku raacay hirgelinta doorasho qof & cod ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan wacyigelinta bulshada iyo dardargelinta qorshaha doorashooyinka guud, isagoo sidoo kale xusay doorkooda ilaalinta wadajirka bulshada iyo xalinta khilaafaadka.

By
Madaxweynaha Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo isku raacay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah / Villa Somalia - Meta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay hoggaanka guud ee dhaqanka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, kulankaas oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, xoojinta amniga, iyo wax ka qabashada saameynta abaaraha.

Kulankan oo dhacay 5-tii Abriil, isla markaana uu goobjoog ka ahaa Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay riixayso qorshe siyaasadeed oo dalka loogu jiheynayo nidaamka dimuqraadiyadda, kaas oo shacabka u oggolaanaya inay toos u doortaan hoggaankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan wacyigelinta bulshada iyo dardargelinta qorshaha doorashooyinka guud. Sidoo kale, wuxuu xusay doorka ay odayaashu ku leeyihiin ilaalinta wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay booqashada madaxweynaha ee xilligan kala-guurka ah, iyagoo si buuxda u taageeray qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan nidaamka doorashooyinka. Waxay ballanqaadeen inay u diyaar garoobeen in bulshada lagu wacyigeliyo sidii talada dalka dib loogu celin lahaa gacanta shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, dhinacyada ayaa kawada hadlay caqabadaha taagan ee u baahan xalinta degdegga ah, waxaana ay isku afgarteen baahida loo qabo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, la-dagaallanka kooxaha hubeysan, iyo sidii loo dardargelin lahaa gurmadka abaaraha ee deegaannadaas si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.