Taliska Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqay inay billaabeen qorshe ballaaran oo ay ciidamadooda ugala baxayaan Soomaaliya, kaas oo soo afjari doona 20 sano oo ay Kampala ciidamo uga qaybgelinaysay hawlgallada nabad-ilaalinta iyo xasillinta dalkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Uganda, oo uu ku saxiixnaa Gaashaanle Sare Chris Magezi, Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta Difaaca, ayaa lagu xaqiijiyay in qorshaha bixitaanku uu u qaybsan yahay laba weji,iyadoo wejiga koowaad oo durba la dhaqangeliyay uu khuseeyo ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ku jooga heshiiska laba-geesoodka ah.
Bixitaanka Ciidamada heshiiska tooska ah
Col. Magezi ayaa shaaciyay in qaybtii ugu horreysay ee askarta ku joogta heshiiska tooska ah ee Muqdisho iyo Kampala ay durba dib ugu laabteen dalkooda hooyo.
Wuxuu intaas ku daray in daad-gureynta haraadiga ciidamadan la dhammaystiri doono maalmaha kooban ee soo socda, taas oo soo afjaraysa joogitaankooda ka baxsan dalladda Midowga Afrika.
Soo-afjaridda hawlgalka AUSSOM
Dhanka kale, qorshaha dowladda Uganda ayaa dhigaya in si tartiib-tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Sida ku cad bayaanka UPDF, daad-gureynta ciidamada AUSSOM ayaa si buuxda loo soo gaba-gabeyn doonaa ugu dambayn dhammaadka sannadka 2027, xilligaas oo askariga ugu dambeeya ee Uganda uu ka bixi doono ciidda Soomaaliya.
Wareejinta mas’uuliyadda amniga
Taliska Uganda ayaa caddeeyay in ujeedka ugu weyn ee bixitaankan uu yahay in waddada loo xaarayo qorshaha kala-guurka ah, si Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga qarankooda.




























