Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qaabili doono Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo booqasho labo maalmood ah ku imaan doona magaalada Moscow.
"Inta lagu guda jiro maalinta, madaxweynuhu wuxuu kulammada shaqada la qorsheynayo ku yeelan doonaa Kremlin-ka, kuwaas oo ah kuwa albaabada u xiran.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu qaabili doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Fidan, oo maanta booqasho shaqo ku jooga Moscow," ayuu yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Ruushka Isniintii.
Peskov wuxuu sheegay in Putin iyo Fidan ay "dabiici ahaan" uga wada hadli doonaan Ukraine oo ah "mowduuca ugu muhiimsan."
Xiriirka labada dal
Waxaa kale oo uu sheegay in Fidan uu sidoo kale la kulmi doono dhigiisa Ruushka Sergey Lavrov si ay u yeeshaan wadhadallo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dhinac.
"Oo, dabcan, isdhaafsiga fikradaha ku saabsan arrinta Ukraine waa lama huraan," ayuu raaciyay.
Fidan ayaa sidoo kale Isniintii la kulmay kaaliyaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Medinsky, kaasoo sidoo kale hogaaminayay wafdigii Ruushka ee wada hadalladii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine muddo saddex sano ah oo ka dhacay Istanbul.
Wadahadalladii dhacay 16-kii May, oo ay fududaysay Turkiga, ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo labada dhinacba ay ku heshiiyeen in la is dhaafsado maxaabiis ballaaran oo gaaraya 1,000 qof oo dhinac kasta ah iyo in la sii wado wada xaajoodyada lagu doonayo in lagu dhammeeyo heshiis xabad joojin ah.
Axadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga waxay ku dhawaaqday booqasho laba maalmood ah ee Fidan oo bilaabanaysa Isniinta, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

















