Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Azerbaijan ugu hambalyeeyay Maalinta Dib-u-soo-celinta Xornimada, isagoo hambalyo iyo salaan u diray Madaxweyne Ilham Aliyev iyo shacabka Azerbaijan.
“Anigoo ku hadlaya magaca dalkayga iyo shacabkayga, waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Azerbaijan oo ah dal saaxiib iyo walaal nala ah, munaasabadda Maalinta Dib-u-soo-celinta Xornimada,” ayuu Erdogan Axaddii ku qoray barta X.
“Waxaan salaan u dirayaa walaalkay, Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev, iyo walaalahayga Turkida Azerbaijan, oo aan mar walba ku midowno murugada iyo farxadda.”
Azerbaijan ayaa 18-ka Oktoobar u dabaaldegta dib-u-soo-celinta xornimadeeda, iyadoo xusaysa ansixintii Sharciga Dastuuriga ah ee Madax-bannaanida Qaranka sannadkii 1991.
Sharcigaas ayaa lagu dhawaaqay madax-bannaanida Azerbaijan, iyadoo loo aqoonsaday inay tahay dowladdii dhaxashay Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Azerbaijan, oo jirtay intii u dhexeysay 1918 iyo 1920.
Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Azerbaijan 9-kii Nofeembar 1991, wax yar kaddib markii Azerbaijan ay ku dhawaaqday xornimadeeda 30-kii Agoosto ee isla sannadkaas.
Labada dal ayaa xiriirkooda gaarsiiyay heer isbahaysi, iyagoo saxiixay Baaqa Shusha bishii Juun 2021.
‘Xiriir saaxiibtinimo iyo walaaltinimo oo aan la wiiqi karin ayaa ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha’
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Khamiistii sheegay in xiriirka Azerbaijan uu ku dhisan yahay saldhigyo istiraatiiji ah oo adag, isla markaana uu soo maray imtixaanno dagaallo iyo dhibaatooyin kala duwan.
Fidan oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baku, halkaas oo uu kaga qaybgalayay shirweynihii toddobaad ee CICA, ayaa sheegay in mabda’a ah “laba dowladood, hal qaran” uu ka muuqdo dhammaan dhinacyada xiriirka labada dal.
“Waxaa hoggaamiyeyaashayada ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo iyo walaaltinimo oo aan la wiiqi karin,” ayuu yiri.
Fidan ayaa qiray in labada dal ay ku kala aragti duwanaan karaan arrimaha qaarkood, balse wuxuu ka digay in kala duwanaanshahaas looga faa’iideysto wiiqidda xiriirkooda istiraatiijiga ah ama loo beddelo dacaayado lagu faafiyo baraha bulshada.



























