Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka (NIHRC), Dr. Maryan Qaasim, ayaa la kulantay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo siyaabaha loo horumarin karo hab ku saleysan xuquuqda aadanaha oo loo wajaho u diyaar-garowga musiibooyinka iyo gurmadka xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka ay musiibooyinku saameeyeen.
SoDMA ayaa Guddiga NIHRC la wadaagtay warbixinno ku saabsan hawlaheeda u diyaar-garowga, gurmadka xaaladaha degdegga ah iyo gargaarka bani’aadannimo.
Labada hay’adood ayaa isku raacay inay xoojiyaan isku-duwidda iyo xog-isweydaarsiga joogtada ah, si loo taageero gurmad bani’aadannimo oo loo dhan yahay oo wax-ku-ool ah, kaas oo ilaalinaya xuquuqda, karaamada iyo baahiyaha bulshooyinka ay xaaladuhu saameeyeen





















