| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha CXDS oo Booqday Askartii ku Dhaawacantay Hawlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab
Taliyaha CXDS, S/G. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday askartii ku dhaawacantay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo ku dhiirrigeliyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.
Taliyaha CXDS oo Booqday Askartii ku Dhaawacantay Hawlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab
Taliyaha CXDS oo Booqday Askartii ku Dhaawacantay Hawlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday askartii ku dhaawacantay hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii ay booqashadu socotay, Taliyaha ayaa mid mid ula hadlay askarta dhaawacantay, isagoo ka wareystay xaaladdooda caafimaad iyo sida ay uga soo kabanayaan dhaawacyada, isla markaana u muujiyay taageero iyo dhiirrigelin.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda caafimaad ee askarta iyo dadaallada lagu daryeelayo, laguna daaweynayo.

Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay geesiyaal qaran.

Wuxuu sheegay in askartu ay naftooda u hurayaan difaaca dalka, shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA