| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Jabuuti oo qaabishay in ka badan 2,000 oo qaxooti Yemeni ah oo ka soo cararay colaadda dalkooda
Qulqulka qaxootiga soo gaaraya gobolka Obock ee waqooyiga Jabuuti ayaa si xowli ah ku kordhayay tan iyo 10-kii bisha Sebtembar, sida uu xaqiijiyay Xiriirka Caalamiga ah ee Ururrada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC).
Jabuuti oo qaabishay in ka badan 2,000 oo qaxooti Yemeni ah oo ka soo cararay colaadda dalkooda
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in in ka badan 82,000 oo qof ay barakaceen tan iyo bilowgii Sebtembar.

In ka badan 2,000 oo qof oo u dhashay dalka Yemen ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray dalka Jabuuti, kaddib markii ay ka soo carareen dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta oo ka sii daray xeebaha galbeed ee dalkaas. Qaxootigan ayaa ka soo gudbay marin-biyoodka muhiimka ah ee Baab al-Mandab, taas oo abuurtay qulqul bani’aadannimo oo cusub.

Qulqulka qaxootiga soo gaaraya gobolka Obock ee waqooyiga Jabuuti ayaa si xowli ah ku kordhayay tan iyo 10-kii bisha Sebtembar, sida uu xaqiijiyay Xiriirka Caalamiga ah ee Ururrada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC). Dhanka kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka (IOM) ayaa shaacisay in in ka badan 82,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen tan iyo horraantii bishan, sababo la xiriira colaadda ku sii fideysa deegaannada xeebeedka galbeed.

Qiyaasihii horudhaca ahaa ee ay soo saartay Hay’adda Qaranka ee Gargaarka Qaxootiga iyo Dadka Masiibooyinku Saameeyeen (ONARS) ayaa tirada Yemeniyiinta soo gaartay Jabuuti ku sheegay ku dhowaad 1,600 oo qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa xaqiijiyay in tiradaasi ay gaartay 2,084 qof maalintii Axadda.

Si wax looga qabto xaaladdan bani’aadannimo, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cumar Cabdi Saciid iyo mas’uuliyiin kale, ayaa Axaddii kormeer ku tagay magaalada Obock si ay ugu kuurgalaan xaaladda nololeed ee qaxootiga soo gaaray dalka.

Magaalada Obock oo dhacda xeebta waqooyi ee Jabuuti, kana soo horjeedda marin-biyoodka Baab al-Mandab oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga iyo isu-socodka badda ee caalamka, ayaa noqotay goobta koowaad ee lagu qaabilayo barakacayaasha.

Dadkan ayaa gabaad ka soo dhiganaya Jabuuti si ay uga baxsadaan rabshadaha iyo xaaladda kasii daraysa ee Yemen. Qaar ka mid ah qaxootigan ayaa la xaqiijiyay in ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ay badda ka soo badbaadiyeen, kaddib markii doomihii ay la socdeen uu ka dhammaaday shidaalku intii ay ku gudo jireen safarka.

Hay’adaha gargaarka ayaa dekedda Obock ku tilmaamay xarunta ugu weyn ee dadkan lagu qaabilayo. Sidoo kale, waxaa jira kooxo kale oo ka soo degay deegaannada xeebeedka ah ee Khor Angar, Moulhoul iyo Siâm. Xukuumadda Jabuuti ayaa fartay hay’adaha qaranka inay si degdeg ah u bixiyaan adeegyada amniga, hoyga, daryeelka caafimaadka, iyo cuntada. Waxaa sidoo kale socda qorshe dadka ka soo degay deegaannada kale loogu soo daad-gureynayo magaalada Obock si gargaarka loogu mideeyo hal xarun.

Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ayaa dib u xaqiijiyay in dalkoodu uu sii wadi doono soo dhaweynta iyo ilaalinta dadka ka soo cararaya colaadaha gobolka, in kasta oo qulqulkan cusubi uu culeys dheeraad ah saarayo adeegyada asaasiga ah iyo dhaqaalaha dalka. Safiirka Jabuuti u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Danjire Dya-Eddine Saïd Abdoulrahim Bamakhrama, ayaa xusay in Jabuuti ay soo jireen u tahay martigelinta shucuubta gobolka ee la daalaa-dhacaya xasaradaha.

“Jabuuti mar walba waxay ahayd meel ammaan ah oo ay walaalaheen dalalka deriska ahi kusoo hirtaan marka ay dhibaato iyo qalalaase jiraan,” ayuu yiri danjiruhu.

Dhankiisa, Wasiir Dawaaleh ayaa qiray in xawaaraha ay qaxootigan ku soo gaarayaan dalka uu xaaladda sii adkeynayo, balse waxa uu caddeeyay in Jabuuti aysan ka gaban doonin waajibaadkeeda bani’aadannimo. “Ma oggolaan karno in dadka magangelyada inoo soo doontay ay dhibaato ku noolaadaan,” ayuu yiri wasiirku, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka reer Obock kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen gurmadkan.

Barakacayaashan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli Jabuuti ay muddo tobannaan sano ah la daalaa-dhacaysay culeysyo is-biirsaday oo ka dhashay martigelinta qaxooti tiro badan oo ka soo cararay colaadaha Geeska Afrika iyo gobolka.

Raadi Warar Kale
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya