| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Yugaandha oo meelmariyay qorshe ciidamo loogu dirayo marinka Qaza
Xildhibaannada qaar ayaa uga digay xukuumadda in dirista ciidamada UPDF ee marinka Qaza ay keeni karto qalalaase diblumaasiyadeed, maadaama Yugaandha iyo Falastiin ay labaduba xubno buuxa ka yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Baarlamaanka Yugaandha oo meelmariyay qorshe ciidamo loogu dirayo marinka Qaza
Baarlamaanka Yugaandha ayaa Khamiistii cod aqlabiyad ah ku ansixiyay mooshin u oggolaanaya xukuumadda in ay ciidamo u dirto marinka Qaza

Baarlamaanka Yugaandha ayaa Khamiistii cod aqlabiyad ah ku ansixiyay mooshin u oggolaanaya xukuumadda in ay ciidamo u dirto marinka Qaza, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka Ciidamada Xasillinta Caalamiga ah ee International Stabilization Force, ISF.

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Halyeeyada Yugaandha, Kiryowa Kiwanuka, oo mooshinkan horgeeyay baarlamaanka si uu ogolaansho ugu helo daad-gureynta Ciidamada Difaaca Shacabka Yugaandha (UPDF), ayaa sheegay in tallaabadan ay timid kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen dowladda Maraykanka.

"Yugaandha waxay leedahay ciidan xooggan oo leh hab-dhismeed habaysan oo awood leh, kaas oo noo suurtageliyay in aan si guul leh u taageerno hawlgallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo hawlgallo kala duwan oo ay Qaramada Midoobay hoggaamiso," ayuu yiri Wasiir Kiwanuka.

Dhinaca kale, maamulka Israa'iil ayaa dhankiisa oggolaaday gelitaanka xaddidan ee ciidamo ka socda dalalka ay u arkaan inay yihiin "kuwo saaxiib la ah".

Walaaca Diblumaasiyadeed iyo geeddi-socodka siyaasadda

Xildhibaannada qaar ayaa uga digay xukuumadda in dirista ciidamada UPDF ee marinka Qaza ay keeni karto qalalaase diblumaasiyadeed, maadaama Yugaandha iyo Falastiin ay labaduba xubno buuxa ka yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Xildhibaan Xasan Kirumira, oo laga soo doorto deegaanka Katikamu ee Koonfurta, ayaa dood adag ka keenay arrintan:

"Maadaama aan ku jirno dallad kulmisa dalalka Muslimka, arrintani waxay abuuri kartaa xasarad diblumaasiyadeed, gaar ahaan iyadoo aan la ogeyn dhinaca ay Yugaandha la safan doonto marka ay tagto Qaza.

Kani waa dagaal u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil. Su’aasha weyn ee hortaalla cidda mooshinka keentay ayaa ah inay dalka u caddeeyaan: ciidankeennu dhinacee ayuu u dagaallami doonaa?"

Iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu oggolaaday hannaankan amniga caalamiga ah, Ururka OIC ayaa si joogto ah ugu adkeystay in joogitaanka ciidamo shisheeye iyo isbahaysi caalami ah oo ka hawlgala Qaza ay tahay inay qayb ka noqdaan geeddi-socod siyaasadeed oo aan dib looga noqon karin, kaas oo si toos ah u horseedaya in la helo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan oo ku dhisan xuduudihii 1967-kii.

Su'aal-gelinta Dhexdhexaadnimada

Ugu dambeyntii, waxaa doodaha baarlamaanka dhexdiisa laga muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan dhexdhexaadnimada dalka Yugaandha ee khilaafkan, iyadoo arrintaas loo aaneynayo hadallo fagaare ah oo uu dhawaan jeediyay Taliyaha Ciidamada Milatariga Yugaandha, kaas oo muujiyay taageero uu u hayo dhinaca Israa'iil.

XIGASHO:َAA