| Somali
TURKIGA
5 daqiiqo akhris
30-ka Agoosto: Guushii waddada u xaartay dhismaha Turkiga casriga ah
Guushii 1922-kii ee xaqiijisay madax-bannaanida Turkiga waxay sidoo kale dalka u horseedday waddo ku dhisan qarannimo, isku-filnaansho dhanka difaaca ah iyo saamayn goboleed oo sii kordhaysa.
30-ka Agoosto: Guushii waddada u xaartay dhismaha Turkiga casriga ah
Guushii Turkiga ee 1922-kii waxay saldhig u noqotay qarannimadiisa, isku-filnaanshihiisa difaaca iyo saamaynta uu sii yeelanayay qarnigii xigay / TRT Hebrew

Turkiga ayaa xusaya sannad-guurada 104-aad ee Maalinta Guusha, isaga oo dib u milicsanaya dagaalkii go’aamiyay masiirka dal markaas wajahayay gumeysi iyo kala-qaybin, una gogol-xaaray madax-bannaanida iyo dhismaha Jamhuuriyadda Turkiga.

30-ka Agoosto waxaa lagu xusaa guushii ciidamada Turkigu 1922-kii ka gaareen dagaalkii Dumlupinar, oo soo afjaray awooddii ugu weynayd ee ciidamada Giriigga ee ku sugnaa galbeedka Anatolia.

Guushaas waxay dardargelisay wejigii ugu dambeeyay ee Dagaalkii Xorriyadda Turkiga, bixitaankii ciidamadii shisheeye iyo, ugu dambayn, aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabado iyo xaflado lagu xusayo maalintan ayaa ka dhacaya guud ahaan dalka, iyadoo lagu maamuusayo Mustafa Kemal Atatürk iyo ciidamadii ka qaybgalay dagaalladii xorriyadda.

30-ka Agoosto sidoo kale waa Maalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, taas oo isku xiraysa guushii taariikhiga ahayd iyo kaalinta ciidamadu kaga jiraan sooyaalka qaranka.

Muhiimadda ay maalintani weli ugu leedahay aqoonsiga qaran ee Turkiga, hase yeeshee, waxay ka durugsan tahay dagaalkii Dumlupinar oo keliya.

Waddadii Dumlupinar

Bilowga sheekadu wuxuu ku laabanayaa dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta wuxuu horseeday in Istanbul ay gacanta u gasho quwadihii xulafada, halka qaybo badan oo Anatolia ahna la qabsaday xilli ay quwadihii dagaalka ku guuleystay qorsheynayeen sidii loo kala qaybsan lahaa dhulkii boqortooyada.

Ciidamada Giriigga ayaa bishii May 1919-kii ka degay magaalada Izmir iyagoo taageero ka helaya quwadihii xulafada, kadibna waxay gudaha ugu sii siqeen Anatolia, xilli qorshihii lagu qaybsanayay dhulkii Cusmaaniyiinta uu durba socday.

Dhaqdhaqaaqii iska-caabbinta ee ka curtay Anatolia wuxuu ku dhisnaa mowqif cad: mustaqbalka dhulkaas waxaa go’aaminaya dadka ku nool, mana go’aaminayaan ergooyin ku shiraya caasimadaha Yurub.

Saddexdii sano ee xigay, iska-caabbinta oo markii hore ka koobnayd kooxo hubaysan oo kala firirsan ayaa isu beddeshay ciidan abaabulan oo awood u yeeshay inuu beddelo jihada dagaalka.

Bishii Agoosto 1922, ciidamada Turkigu waxay bilaabeen wejigii dagaalka ee go’aanka lahaa. 26-kii Agoosto ayay qaadeen Weerarkii Weynaa, iyagoo si degdeg ah u jebiyay fariisimihii ciidamada Giriigga. Maalintii xigtay waxay la wareegeen Afyonkarahisar, halka ciidamada Giriiggu dib ugu gurteen dhinaca Dumlupınar.

30-kii Agoosto, ciidamada Turkigu waxay Dumlupinar ku hareereeyeen oo ku jebiyeen qaybihii ugu muhiimsanaa ee ciidanka Giriigga, dagaalkaas oo taariikhda Turkiga ku galay magaca Dagaalkii Taliyaha Guud.

Ciidamada Turkigu halkaas kuma joogsan. Waxay u sii ruqaansadeen dhinaca galbeed, iyagoo 9-kii Sebteembar gaaray Izmir, dibna ula wareegay magaaladii uu saddex sano ka hor ka bilowday duullaankii Giriigga.

Guushii dagaalka oo horseedday Jamhuuriyad

Muhiimadda Dumlupinar kuma koobnayn jabkii militari ee ciidamada Giriigga.

Guushu waxay meesha ka saartay caqabaddii militari ee ugu weynayd ee hortaagnayd Dhaqdhaqaaqii Qaranka Turkiga iyo inuu gacanta ku dhigo Anatolia.

Waxay sidoo kale waddada u furtay Heshiiskii Xabbad-joojinta Mudanya ee bishii Oktoobar 1922, wada-xaajoodyadii Lausanne ee xigay iyo ku dhawaaqistii Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1923.

Sidaas ayay guushii goobta dagaalku ugu gudubtay saldhig siyaasadeed iyo sharci oo lagu dhisay dowlad cusub.

Madaxda Turkiga ayaa weli sidaas u fasirta muhiimadda 30-ka Agoosto.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maalintan ku tilmaamay dib-u-dhalashadii ummadda Turkiga, xilli halgankii jiritaankeeda lagu xaqiijiyay madax-bannaanideeda.

Marka laga eego aragtidaas, 30-ka Agoosto waxay astaan u tahay ummad ay quwadihii xilligaasi u arkayeen mid dhammaatay, balse dooratay inay iyadu go’aansato mustaqbalkeeda halkii ay aqbali lahayd qorshe ay cid kale u dejisay.

Maxay 30-ka Agoosto weli muhiim u tahay?

Gumeysiga iyo qabsashadii dhulka Turkiga waxay dhammaadeen 1922-kii, balse fikraddii ka dhalatay waayahaas, in madax-bannaanida la ilaashado oo aan loo qaadan wax iska jira, waxay qayb ka noqotay hannaanka dowlad-dhisidda Turkiga qarnigii xigay.

Saamaynta arrintaas maanta waxay ka muuqataa meelo ka baxsan munaasabadaha lagu xuso guushii taariikhiga ahayd.

Turkiga oo mar si weyn ugu tiirsanaa dalal kale si uu u helo hubka iyo qalabka milatari, ayaa hadda gudaha ku soo saara in ka badan 85% qalabka ay u baahan yihiin ciidamadiisu, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta dagaalka iyo gaadiidka gaashaaman.

Dhoofinta warshadaha difaaca iyo hawada ee Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii 2025 kor u dhaaftay $10 bilyan.

Kobocaas ayaa qayb ka ah awoodda militari ee Turkiga, oo leh ciidanka labaad ee ugu badan NATO marka lagu cabbiro ciidamada firfircoon, iyo kaalinta sii ballaaranaysa ee Ankara ku leedahay iskaashiga warshadaha difaaca ee dalal ka baxsan isbahaysigaas.

Doorkaas ayaa mar kale soo muuqday bishan Agoosto, markii Turkigu heshiis difaac oo wadajir ah la saxiixday Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, kaas oo salka ku haya iskaashi dhanka ka-hortagga halisaha wadajirka ah.

Heshiiskaasi wuxuu Turkiga siinayaa kaalmo sii weynaanaysa oo uu ku leeyahay qaab-dhismeedka amniga gobolka, iyadoo Ankara aysan ku koobnayn ka falcelinta isbeddellada amniga, balse ay sii kordhinayso kaalinteeda qaabaynta arrimaha gobolka.

Dhaxalkii guusha

Askartii ku dagaallamaysay Dumlupinar 1922-kii ma aysan haysan sawirka Turkiga maanta jira. Waxay markaas wajahnaayeen su’aal ka toosnayd oo ka culus: in Anatolia ay sii ahaan doonto dhul ay iyagu maamulaan iyo in kale.

Hase yeeshee, wax badan oo ka dambeeyay jawaabtii ay dagaalkaas ka bixiyeen, laga soo bilaabo dhismihii Jamhuuriyadda ilaa warshadaha difaaca iyo awoodda istaraatiijiyadeed ee Turkigu dhisay qarnigii xigay, waxay raadkooda dib ugu celinayaan goobtii dagaalka ee Kütahya maalmihii ugu dambeeyay ee Agoosto 1922.

Maanta, 30-ka Agoosto waxay Turkiga u tahay xuska ummad diidday in cid kale u go’aamiso mustaqbalkeeda.

In ka badan qarni kadib, guushaasi waxay weli astaan u tahay go’aanka Turkiga ee ah inuu isagu qaabeeyo masiirkiisa.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Turkiga oo si kulul u cambaareeyay weerarkii dhimashada sababay ee Xuutiyiintu ku qaadeen Riyadh
Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay ammaanka Badda Madow iyo xiriirka Ruushka iyo Ukraine
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Turkiga
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare laga diro gantaallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qaybgalaya shirka saddex-geesoodka Isbahaysiga Difaaca Maka
Turkiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday qorshe cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca
Turkiga iyo Georgia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada ah
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka