Soomaaliya: Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ku heshiiyay xoojinta kormeerka xabsiyada
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) oo ay hor kacaysay Guddoomiyaha guddigaas, Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Guddiga, iyadoo mudnaanta koowaad la siiyay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.
Waxyaabaha sida gaarka ah looga dooday waxaa ka mid ahaa xaaladda maxaabiista, dhowrista xuquuqdooda aasaasiga ah, iyo sidii loo horumarin lahaa hannaanka cadaaladeed ee la xiriira carruurta iyo dadka nugul ee la tacaalaya nidaamka garsoorka.
Mas’uuliyiinta ayaa isku afgartay muhiimadda ay leedahay in nidaamka cadaaladda Soomaaliya uu noqdo mid si buuxda u waafaqsan heerarka qaran iyo kuwa caalami ee xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta, la xoojiyo kormeerka xabsiyada dalka, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo ujeeddadoodu tahay in la xaqiijiyo nidaam cadaaladeed oo si buuxda u dhowra karaamada iyo xuquuqda aadanaha.





















