| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kormeer Ku Tagay Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Racfaanka
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka, isagoo qiimeeyay howlaha iyo xaaladaha shaqo ee labada maxkamadood.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kormeer Ku Tagay Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Racfaanka
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kormeer Ku Tagay Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Racfaanka / SONNA

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka, si uu u qiimeeyo habsami u socodka shaqadooda iyo xaaladaha shaqo ee ka jira labada maxkamadood.

Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saciid Cali Maxamed, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud. Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa booqday xafiisyo kala duwan, isagoo warbixinno ka dhageystay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta, isla markaana qiimeeyay howlaha maalinlaha ah iyo xaaladaha goobaha shaqada.

Kormeerka kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa kulan kula yeeshay garsoorayaasha labada maxkamadood xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, halkaas oo looga hadlay xaaladda guud ee garsoorka, caqabadaha jira iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo hufnaanta shaqada, tayada adeegyada iyo bixinta adeegyada garsoorka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in adeegyada garsoorka loo dhaweeyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada fogfog ee ay ku adag tahay inay u safraan xarumaha maxkamadaha. Wuxuu sheegay in ballaarinta helitaanka caddaaladdu ay weli qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka, laguna xaqiijinayo in muwaadiniintu si siman u helaan caddaaladda.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo kor u qaadista hufnaanta iyo tayada garsoorka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo abuurista jawi shaqo oo u suurtageliya muwaadiniinta inay helaan caddaalad loo siman yahay oo waqtigeeda ku timaadda.

XIGASHO:SONNA