| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
CXDS ayaa ku Dilay 22 ka Tirsan Al-Shabaab hawlgallo ay ka Fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ka go’an xoojinta howlgallada noocan oo kale ah si loo ciribtiro xubnaha haray ee Khawaarijta loona adkeeyo amniga guud ee dalka.
CXDS ayaa ku  Dilay 22 ka Tirsan Al-Shabaab hawlgallo ay ka Fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku Dilay 22 ka Tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab hawlgallo ay ka Fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo taageero ka helaya saaxiibbada caalamka, ayaa maalintii Arbacada ka fuliyay howlgal qorsheysan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeymo cirka ah ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla, inta u dhexeysa Mubaarak iyo Ugunji, waxaana dagaalkaas lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo uu ku jiro taliyahoodii Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa cabsi gelinta dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ka go’an xoojinta howlgallada noocan oo kale ah si loo ciribtiro xubnaha haray ee Khawaarijta loona adkeeyo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay uga mahadcelisay saaxiibbada caalamka taageeradooda joogtada ah ee howlgalada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
In ka badan 800 oo Rayid ah oo ay dileen Maleeshiyaadka ADF ee Bariga DRC tan iyo Janaayo: Iracan
Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho
Kumaandooska Danab oo Badbaadiyay Dad Rayid ah intii lagu jiray Hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ku Qabtay Wadahadal Heer Sare ah oo Iskaashi
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Munaasabadda Wareejinta Wasaaradda Warfaafinta
Shir Madaxeedka Africa Forward oo Ansixiyay Baaqa Nabadda, Hal-abuurka iyo Isbeddelka Dhaqaalaha
Wasiirka cusub ee Warfaafinta JFS oo lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka
Masar oo Xaqiijisay in Markab Shidaal lagu Afduubtay Xeebaha Yemen loona Kaxeeyay Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
MW Xasan Sheekh oo Gaaray Uganda si uu uga Qayb Galo Munaasabadda Caleema-saarka Museveni
Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay in la Dhameystiray Tirinta Codadka Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal
Hoggaamiyeyaal Sare oo Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalay Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shir Madaxeedka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka
MW Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Doorashooyinka Nabdoon ee Koonfur Galbeed, Kana Digay Bannaanbaxyada
Maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinaya doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof iyo cod’ ah
UNDP oo ku baaqday maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo shaqooyinka iyo adeegyada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini