Madaxweynaha Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan amni oo heer sare ah: Koonfur Galbeed
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanka, maaraynta isbeddelladii dhowaan dhacay ee dhinaca amniga iyo maamulka, iyo hubinta nidaam cadaalad ah oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir-guddoomiyay kulan amni oo heer sare ah oo ku qabsoomay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanka, maaraynta isbeddelladii dhowaan dhacay ee dhinaca amniga iyo maamulka, iyo hubinta nidaam cadaalad ah oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo saraakiisha sare ee amniga, kuwaas oo soo bandhigay qorshayaasha socda ee lagu xasilinayo deegaanka, lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.