Sisi iyo Trump oo ka wada hadlaya Qaza iyo xiisadda Biyo-xireenka Itoobiya

Labada mas'uul ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay magaalada Sharm el-Sheikh bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, xilligaas oo la saxiixay heshiis xabad-joojin ah.

By
Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi uu kulan gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump / Reuters

Madaxtooyada Masar ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay in Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi uu kulan gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, inta lagu guda jiro Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka socota magaalada Davos.

Kani waa kulankii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah oo dhex mara labada hoggaamiye tan iyo markii Maraykanku ku dhawaaqay billowga "wajiga labaad" ee qorshaha lagu soo afjarayo dagaalka Qaza.

Labada mas'uul ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay magaalada Sharm el-Sheikh bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, xilligaas oo la saxiixay heshiis xabad-joojin ah.

Dhex-dhexaadinta Khilaafka Biyo-xireenka Itoobiya Arrin kale oo xasaasi ah oo kulankan hareeyn doonta ayaa ah khilaafka Webiga Niil.

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u billaabo dhex-dhexaadintii Mareykanka ee Masar iyo Itoobiya, si xal looga gaaro muranka Biyo-xireenka (GERD).

Dhex-dhexaadintii uu Maraykanku hoggaaminayay intii uu socday muddo-xileedkii koowaad ee Trump ayaa burburtay sannadkii 2020-kii, kadib markii Itoobiya ay ka baxday wadahadalladaas, inkastoo markii dambe ay wadahadallo goos-goos ah ku dhex mareen dallada Midowga Afrika.

Xaaladda Biyo-xireenka (GERD) Itoobiya ayaa dayrtii lasoo dhaafay si rasmi ah xarigga uga jartay Biyo-xireenka (GERD) oo ah kan ugu weyn qaaradda Afrika. Mashruucan oo ku yaalla meel u dhow xadka Suudaan ayaa loogu talagalay inuu dhaliyo in ka badan 5,000 oo megawatt, taas oo laba-jibaaraysa awoodda koronto ee Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa si adag u diiddan dhismaha iyo buuxinta biyo-xireenkan, iyadoo ku doodeysa inuu si weyn u dhimi doono biyaha Webiga Niil oo ay nolosha in ka badan 100 milyan oo Masaari ah ku tiirsan tahay.

Suudaan iyo Masar ayaa labaduba mashruucan u arka "khatar dhab ah" oo ku wajahan amniga biyaha ee dalalkooda.