| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa burburisay shabakado Al-Shabaab ah oo si qarsoodi ah iskugu dayayay inay galaan qaybo ka mid ah Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo hawlgallada lagu qabtay 11 xubnood.
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho / SONNA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa burburisay dhawr shabakadood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo si qarsoodi ah isku dayayay inay galaan qaybo ka mid ah Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Intii ay hawlgalladu socdeen, ciidamada NISA ayaa gacanta ku dhigay 11 xubnood oo xiriir la lahaa shabakadahaas, kuwaas oo loo diyaarinayay inay fuliyaan falal khatar ku ah amniga.

Hawlgallada ayaa laga fuliyay Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye, kaddib hawlgallo amni oo si taxaddar leh loo qorsheeyay.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo xubnahaasi ay damacsanaayeen inay u adeegsadaan fulinta falalkooda qorsheysan.

Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay ku doonayso inay Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah kaga hortagto fulinta qorshayaal lagu wiiqayo amniga laguna dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan, isla markaana soo sheegaan khatar kasta oo amni ama xog la xiriirta Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo kala xiriiraya lambarrada gaarka ah ee Hay’adda.

XIGASHO:SONNA