Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Madasha xiriirka warbaahinta Istaraatiijiga ah ee Soomaaliya 2026 ka sheegay in dawladdu tan iyo 2022 qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo warbaahinta dawladda, lagu xoojinayo isgaarsiinta qaranka, looguna diyaarinayo waaxda warbaahinta isbeddelka dhijitaalka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ugu yaraan 600 oo saxafi iyo shaqaale warbaahineed lagu tababaray tebinta masuuliyadda leh, xaqiijinta macluumaadka iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in la xoojiyay dadaallada ka dhanka ah dacaayadaha argagixisada ee baraha bulshada, iyadoo tallaabo laga qaaday 82,000 oo akoon sannadkan 2026, marka la barbar dhigo 5,000 sannadkii 2022.
Dhinaca dib-u-habeynta hay’adaha, Wasiirka ayaa sheegay in dawladdu u gudubtay nidaam warbaahineed qaran oo isku dhafan, iyadoo la xoojiyay isku-dubbaridka xafiisyada warbaahinta dawladda iyo mideynta farriimaha dawladda. Waxa uu sidoo kale xusay dib-u-dayactirka kaydka Radio Muqdisho iyo dadaallada lagu dayactirayo Tiyaatarka Qaranka.
Wasiir Cabdifataax ayaa sheegay in baraha bulshada iyo garaad gacmeedku ay beddelayaan habka loo soo saaro loona helo macluumaadka, iyagoo abuuraya fursado iyo caqabado cusub. Waxa uu adkeeyay baahida loo qabo warbaahin Soomaaliyeed oo xor ah, masuul ah, xirfad leh, dhaqaale ahaanna waarta, isla markaana la jaanqaadda tiknoolajiyadda iyadoo ilaalinaysa anshaxa xirfadeed iyo kalsoonida dadweynaha.























