Soomaaliya oo qabatay kulan ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah

Warbixinno lagu soo bandhigay madasha ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay heerarkii uu soo maray Dhaqaalaha Buluugga, fursadaha maalgashi ee jira, iyo caqabadaha hor-yaalla.

By
Soomaaliya oo qabatay kulan ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah / User Upload

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ballaaran oo diiradda lagu saarayay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka badaha, tallaabadaas oo qayb ka ah qorshaha Soomaaliya ee kobcinta Dhaqaalaha Buluugga.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee qaybta KM4, ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Jaamacadda Ummadda, iyo wasaaradaha bah-wadaagta la ah sida Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Warbixinno lagu soo bandhigay madasha ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay heerarkii uu soo maray Dhaqaalaha Buluugga, fursadaha maalgashi ee jira, iyo caqabadaha hor-yaalla.

Sidoo kale, khubarada ayaa diiradda saaray horumarinta tiirarka asaasiga ah ee dhaqaalaha badaha, oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga, horumarinta dekedaha, iyo xaaladda guud ee khayraadka shidaalka ee dalka.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in aqoon-is-weydaarsigani uu qayb weyn ka yahay dardargelinta iyo hirgelinta istaraatiijiyadda qaranka ee Dhaqaalaha Buluugga, ujeeddaduna ay tahay in sare loo qaado fahamka guud ee xirfadlayaasha iyo bulshada, si looga faa’iideysto khayraadka dihin ee badaha Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa si wadajir ah xarigga uga jaray Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumeysiga, Marwo Raisa Maxamed.

Khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday wasaaradaha ku shaqada leh ayaa kulanka ka jeediyay bandhigyo cilmiyeed iyo warbixinno la xiriira muhiimadda uu Dhaqaalaha Buluuggu u leeyahay isku-filaanshaha dhaqaale ee dalka.

Gebagebadii kulanka ayaa shahaadooyin dhiirrigelin ah la guddoonsiiyey ardaydii Jaamacadda ee nasiibka u yeelatay in ay ka qayb-gashalaan barnaamijkan, taas oo ujeeddadeedu tahay in la abuuro jiil cusub oo aqoon u leh maareynta iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya.