Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.
Labada mas'uul ayaa falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo saamaynta khatarta ah ee ka dhalan karta xiisadda ciidan ee ka taagan Bariga Dhexe, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaboojiyo xiisadda.
Qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia soo dhigtay barta X, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dalka Qadar, isagoo caddeeyay inay taageersan yihiin madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo tan cirka ee Qadar, gaar ahaan xilli ay wajahayaan gardarrada Iiraan.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in weerar kasta oo lagu qaado dhulka Qadar uu yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, isla markaana aan marnaba la aqbali karin.


















