| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
Munaasabad diblomaasiyadeed oo ka dhacday xarunta dhexe ee ururka ee Addis Ababa, ayaa nuqulka axdigan oo ay Soomaaliya horay u meelmarisay, lagu wareejiyey Moussa Maxamed Cumar, oo ah Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Guddoonka Midowga Afrika.
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta / Social Media

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maalintii Talaadada si rasmi ah xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa uga gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Munaasabad diblomaasiyadeed oo ka dhacday xarunta dhexe ee ururka ee Addis Ababa, ayaa nuqulka axdigan oo ay Soomaaliya horay u meelmarisay, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Moussa Maxamed Cumar, oo ah Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Guddoonka Midowga Afrika.

Waxaa sidoo kale madasha goobjoog ka ahayd Prof. Hajer Gueldich, oo ah Agaasimaha Waaxda Arrimaha Sharciga ee Midowga Afrika.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo hadal ka jeedisay munaasabadda wareejinta ayaa tilmaamtay in tallaabadani ay ka turjumayso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhaqangelinta buuxda ee axdigan.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta, ilaalinta, iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta, waxayna muujinaysaa sida dalkeenna ay uga go’an tahay daryeelka jiilka soo socda,” ayay tiri Wasiir Khadiija.

Soomaaliya ayaa horay u ansixisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, iyadoo gudbinta nuqulkan rasmiga ah (Instrument of Ratification) ay caddayn buuxda iyo marqaati u tahay u-heellanaanta Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee carruurteeda, iyadoo la waafajinayo xeerarka u degsan qaaradda Afrika.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
In ka badan 800 oo Rayid ah oo ay dileen Maleeshiyaadka ADF ee Bariga DRC tan iyo Janaayo: Iracan
Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho
Kumaandooska Danab oo Badbaadiyay Dad Rayid ah intii lagu jiray Hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ku Qabtay Wadahadal Heer Sare ah oo Iskaashi
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Munaasabadda Wareejinta Wasaaradda Warfaafinta
Shir Madaxeedka Africa Forward oo Ansixiyay Baaqa Nabadda, Hal-abuurka iyo Isbeddelka Dhaqaalaha
Wasiirka cusub ee Warfaafinta JFS oo lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka
Masar oo Xaqiijisay in Markab Shidaal lagu Afduubtay Xeebaha Yemen loona Kaxeeyay Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
MW Xasan Sheekh oo Gaaray Uganda si uu uga Qayb Galo Munaasabadda Caleema-saarka Museveni
Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay in la Dhameystiray Tirinta Codadka Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal
Hoggaamiyeyaal Sare oo Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalay Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shir Madaxeedka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka
MW Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Doorashooyinka Nabdoon ee Koonfur Galbeed, Kana Digay Bannaanbaxyada
Maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinaya doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof iyo cod’ ah
UNDP oo ku baaqday maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo shaqooyinka iyo adeegyada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini