Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Kala Saxiixday Heshiis Fududeynaya Dal-ku-galka

Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiskan ayaa dhigaya in muwaadiniinta labada dal ee sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda gebi ahaanba laga dhaafay dal-ku-galka (Visa), iyadoo lagu bixinayo habka loo yaqaano Visa-on-Arrival.

By
Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Kala Saxiixday Heshiis Fududeynaya Dal-ku-galka / User Upload

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo taariikhi ah, kaas oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

Heshiiskan ayaa ka dhacay dalka Tanzania, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow iyo Dr. Anna P. Makakala, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan.

Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiskan ayaa dhigaya in muwaadiniinta labada dal ee sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda gebi ahaanba laga dhaafay dal-ku-galka (Visa), iyadoo lagu bixinayo habka loo yaqaano Visa-on-Arrival.

Sidoo kale, muwaadiniinta ku safraya baasaboorrada caadiga ah ayaa heli doona adeeg dal-ku-gal ah oo lagu bixinayo muddo 24 saacadood gudahood ah. Talaabadan ayaa loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo ganacsiga, dalxiiska, iyo iskaashiga dhinaca waxbarashada ee u dhexeeya labada dal, iyadoo dhawaanna la filayo in la billaabo duulimaadyo toos ah oo isku xira labada wadan.

Heshiiskan cusub ayaa dhisaya xiriirkii hore ee dhinacyada amniga, caafimaadka, iyo dhaqanka ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Tanzania. Tan iyo markii ay Soomaaliya ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaa xoogaystay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay wadamada gobolka.

Booqashooyinkii heerka sare ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Tanzania iyo socdaalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania ee Muqdisho ayaa ahaa kuwo gogol xaadh u ahaa guushan laga gaaray fududeynta is-dhexgalka bulshada iyo dhaqaalaha ee labada shacab.