Soomaaliya oo burisay heshiisyadii ay la galeen UAE kuna eedeysay “faragelinta midnimadeeda dhuleed"

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii la xiriiray iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo ku sababeeyay walaac ku saabsan madaxbannaanida qaranka.

By
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa buriyay heshiis amni iyo difaac oo ay la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta. / User Upload

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii la xiriiray iskaashiga laba-geesoodka ah ee amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo ku sababeeyay walaac ku saabsan madaxbannaanida qaranka.

Go’aanka ayaa la gaaray Isniintii intii uu socday kulan golaha wasiirrada ah oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Go’aanku wuxuu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo habraacyada iskaashi ee la xiriira hawlgallada ka socda dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Sida lagu sheegay bayaan dowladeed, tallaabadan ayaa timid kaddib warbixinno iyo waxa mas’uuliyiinta Soomaaliya ku tilmaameen caddeymo xooggan oo muujinaya falal wax u dhimaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda qaran. Dowladdu waxay mar kale xaqiijisay awooddeeda gaarka ah ee ku aaddan maamulka dhulka Soomaaliya, dekedaha, arrimaha amniga iyo xiriirka dibadda.

‘Xuquuq gaar ah’

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mas’uuliyaddeeda madaxbannaan iyo xuquuqdeeda gaarka ah ee ku aaddan maaraynta amniga qaranka iyo xiriirka dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Intii uu socday kulanka Isniinta, Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay dhowr hindise-sharci, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise-Sharciga Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sharciga Dhexdhexaadinta (Arbitration Bill), xeerarka hagaya Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka (NDRMF), iyo xeerarka Sharciga Adeegyada Shirkadaha.

Hindise-Sharciga Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed wuxuu dhigaya qodobo mamnuucaya in maamullada hoos yimaada ama hay’ado gaar loo leeyahay ay heshiisyo la galaan dhinacyo shisheeye iyaga oo aan horay u ogeysiinin una helin oggolaanshaha Dowladda Federaalka.

Sharciga la soo jeediyay wuxuu sidoo kale farayaa in kormeer lagu sameeyo heshiis kasta oo noocaas ah, iyadoo ay mas’uul ka tahay wasaaradda federaalka ee khuseysa arrinta heshiiska.

Go’aannadan ayaa muujinaya dadaallada Soomaaliya ay ku xakameyneyso faragelinta shisheeye isla markaana ay dib u eegis ugu sameyneyso heshiisyada iskaashiga amniga ee dalka.