| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo burisay heshiisyadii ay la galeen UAE kuna eedeysay “faragelinta midnimadeeda dhuleed"
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii la xiriiray iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo ku sababeeyay walaac ku saabsan madaxbannaanida qaranka.
Soomaaliya oo burisay heshiisyadii ay la galeen UAE kuna eedeysay “faragelinta midnimadeeda dhuleed"
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa buriyay heshiis amni iyo difaac oo ay la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta. / User Upload
13 Janaayo 2026

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii la xiriiray iskaashiga laba-geesoodka ah ee amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo ku sababeeyay walaac ku saabsan madaxbannaanida qaranka.

Go’aanka ayaa la gaaray Isniintii intii uu socday kulan golaha wasiirrada ah oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Go’aanku wuxuu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo habraacyada iskaashi ee la xiriira hawlgallada ka socda dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Sida lagu sheegay bayaan dowladeed, tallaabadan ayaa timid kaddib warbixinno iyo waxa mas’uuliyiinta Soomaaliya ku tilmaameen caddeymo xooggan oo muujinaya falal wax u dhimaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda qaran. Dowladdu waxay mar kale xaqiijisay awooddeeda gaarka ah ee ku aaddan maamulka dhulka Soomaaliya, dekedaha, arrimaha amniga iyo xiriirka dibadda.

‘Xuquuq gaar ah’

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mas’uuliyaddeeda madaxbannaan iyo xuquuqdeeda gaarka ah ee ku aaddan maaraynta amniga qaranka iyo xiriirka dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Intii uu socday kulanka Isniinta, Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay dhowr hindise-sharci, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise-Sharciga Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sharciga Dhexdhexaadinta (Arbitration Bill), xeerarka hagaya Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka (NDRMF), iyo xeerarka Sharciga Adeegyada Shirkadaha.

Hindise-Sharciga Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed wuxuu dhigaya qodobo mamnuucaya in maamullada hoos yimaada ama hay’ado gaar loo leeyahay ay heshiisyo la galaan dhinacyo shisheeye iyaga oo aan horay u ogeysiinin una helin oggolaanshaha Dowladda Federaalka.

Sharciga la soo jeediyay wuxuu sidoo kale farayaa in kormeer lagu sameeyo heshiis kasta oo noocaas ah, iyadoo ay mas’uul ka tahay wasaaradda federaalka ee khuseysa arrinta heshiiska.

Go’aannadan ayaa muujinaya dadaallada Soomaaliya ay ku xakameyneyso faragelinta shisheeye isla markaana ay dib u eegis ugu sameyneyso heshiisyada iskaashiga amniga ee dalka.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigeliyay Madasha Mustaqbalka kahor Shirka Wadatashiga Qaran
Masar oo ku baaqday iskaashi dhex mara dalalka Wabiga Niil, kana hortimid tallaabooyin hal dhinac ah
MW Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan
Soomaaliya oo dhimis ku sameysay saacadaha shaqada ee bisha Ramadaan
Dalalka Islaamka qeybtood oo Arbacada soomman, halka kuwo kuwo kalena ay maalin ka dambeeyaan
In ka badan nus milyan qaxooti ah oo ku laabtay Suudaan labadii sano ee la soo dhaafay: IOM
Soomaaliya oo bilowday soo saarista Baasaboorka Bariga Afrika (EAC)
Turkiga & dalalka Islaamka oo cambaareeyay sheegahada Israa’iil ee dhulka Daanta Galbeed
Dawladaha Islaamka oo cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay kula wareegaysto dhulka Daanta Galbeed
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya: Ma lihin damac ballaarsi dhuleed ah oo la xiriira helidda marin badeed
Suudaan: Weerar loo adeegsaday drone oo ka dhacay suuqa Waqooyiga Kordofan oo lagu dilay 28 qof
Shiinaha bisha Maayo bilaabaya canshuur dhaaf uu u sameeynayo badeecadaha laga keeno Qaaradda Afrika
MW Xasan Sheekh oo Shir Madaxeedka AU kaga hadlay Amniga, Dimuqraadiyadda iyo Madaxbannaanida
Wasiirka Batroolka: Waxaan gaarnay xilligii aan soo saari lahayn kheyraadkeenna dabiiciga ah
Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Kala Saxiixday Heshiis Fududeynaya Dal-ku-galka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali
Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo sheegay inuu xiriirka badeed ee Turkigu yahay mid istaraatiiji ah
Soomaaliya: Duqeyn cirka ah oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday qorshe dib loogu furayo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska'