Dowladda Federaalka Soomaaliya oo caddeyn ka bixisay arrintii bakhaarka sahayda ee WFP
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan sahaydii laga saaray bakhaarka ay si buuxda dib ugu celiyeen WFP.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay caddeyn rasmi ah oo ku saabsan warar dhawaan soo baxay oo la xiriira ka saarista sahay gargaar bani’aadamnimo ah bakhaar saameyn ku yeeshay hawlaha ballaarinta dekedda Muqdisho, iyadoo mar kale adkaysay ka go’naanshaheeda mabaadi’da bani’aadamnimo iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan sahaydii laga saaray bakhaarka ay si buuxda dib ugu celiyeen Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP). Wasaaraddu waxay si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda dhacdada, waxayna muujisay ka xumaansho ku aaddan sida ay u dhacday.
Si loo hubiyo gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo oo ammaan ah, joogto ah, isla markaana aan kala go’ lahayn, Dowladda Federaalka ayaa WFP u qoondeysay bakhaar ka weyn oo ku habboon baahida, kana dhex yaalla aagga Dekedda Muqdisho. Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay hagaajiso awoodda kaydinta isla markaana ay taageerto gaarsiinta sahayda bani’aadamnimo si hufan.
Iyadoo xustay in ay sanado badan xiriir joogto ah oo wax ku ool ah la lahayd WFP, gaar ahaan arrimaha hawlgalka iyo saadka, Dowladda Federaalka ayaa qiratay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo isku-duwidda iyo is-weydaarsiga xogta ee deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Arrintan awgeed, dowladda ayaa dib u eegi doonta duruufihii ku xeernaa dhacdadan, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin lagu xoojinayo hababka isgaarsiinta si looga hortago in dhibaatooyin la mid ah ay mar kale dhacaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da bani’aadamnimo, hufnaan iyo isla xisaabtan, waxayna muujisay qiimaha iskaashiga dhow ee ay la leedahay Barnaamijka Cunnada Adduunka, Mareykanka, iyo guud ahaan beesha caalamka ee deeq-bixiyeyaasha ah. Waxay caddeyntan ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo arrinta isla markaana lagu xaqiijinayo sii wadidda wada-shaqeynta lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed.