Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Isniintii shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Sida uu sheegay Guddigu, Golaha Shacabka Hirshabeelle ayaa lagu dhawaaqi doonaa 19-ka Oktoobar 2026, halka dhaarinta xubnaha loo asteeyay 20-ka Oktoobar.
21-ka Oktoobar 2026 ayaa loo asteeyay diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha, halka 22-da Oktoobarna loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
23-ka Oktoobar ayaa la qaban doonaa diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, halka 24-ka Oktoobar 2026 loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

























