Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya oo si rasmi ah looga daahfuray Nairobi
Munaasabaddan oo ah mid ballaaran ayaa diiradda lagu saarayaa soo bandhigidda fursadaha maalgashi iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee dariska ah.
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaa Khamiisti si rasmi ah uga furmay Bandhigga Toddobaadka Ganacsiga Soomaaliya, Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week).
Munaasabaddan oo ah mid ballaaran ayaa diiradda lagu saarayaa soo bandhigidda fursadaha maalgashi iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee dariska ah.
Munaasabadda daahfurka waxaa si wadajir ah xarigga uga jaray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, iyo Wasiirka Kenya u qaabilsan Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), ASALs, iyo Horumarinta Gobollada, Beatrice Askul Moe.
Bandhiggan ayaa lagu tilmaamay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu hormarinayo ganacsiga, laguna xoojinayo iskaashiga maalgashiga, isla markaana lagu qotominayo is-dhexgalka ganacsiga ee gobolka Bariga Afrika.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo madasha ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada dhaqaale.
“Ganacsiga, maalgashiga, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, alaabaha iyo adeegyada, iyo xiriirka xooggan ee bulshada waa tiirarka muhiimka ah ee fure u ah sidii loo gaari lahaa awoodda buuxda ee dhaqaalaha iyo horumar wadajir ah oo barwaaqo leh,” ayuu yiri Wasiir Jamaal.
Mas’uuliyiinta iyo Qaban-qaabiyeyaasha
Munaasabadda waxaa soo qaban-qaabiyay hay’adda warbaahinta ee Nation Media Group (NMG) oo kaashanaysa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo taageero laga helayo xarunta ganacsiga ee BBS Mall.
Dhinacyada ka qayb-galay furitaanka waxaa kamid ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dowladood iyo ganacsiga gaarka ah, oo ay kamid yihiin Xildhibaan Yuusuf Xasan (Deegaan Doorashada Kamukunji), Geoffrey Odundo, Agaasimaha Guud ee Nation Media Group, Moe Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Warsame, Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Muqdisho iyo Hussien Adan, oo ka socday Waaxda Dowladda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga Kenya.
Toddobaadka Ganacsiga ayaa la filayaa inuu noqdo madal lagaga arrinsado sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi ku dhisan kalsooni, fursado wadaag ah, iyo is-dhexgal goboleed oo waara.