Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Arbacadii sheegtay in toddobaadka soo socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo laga bilaabi doono tijaabo caafimaad oo lagu qiimeynayo laba daawo oo suurtagal ah oo loogu talagalay Ebola, iyadoo cudurku uu weli sii fidayo inkastoo la ballaariyay dadaallada lagaga hortagayo.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Geneva, Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in la dhammaystiray diyaar-garowga tijaabada, taas oo lagu qiimeyn doono in dawooyinka fayraska ka hortaga ee MBP134 iyo remdesivir ay yareyn karaan dhimashada bukaannada qaba cudurka uu keeno fayraska Bundibugyo, haddii si gooni ah loo isticmaalo ama la isku daro.
Tedros ayaa u mahadceliyay Mareykanka iyo shirkadda Gilead Sciences oo ugu deeqay qiyaasaha dawooyinka loogu talagalay daraasaddan, isagoo intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah lagu dhawaaqi doono toddobaadka soo socda.
Tijaabada waxaa fulin doona isbahaysi ay ku jiraan Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Biyoomedikalka ee Congo, ALIMA, Jaamacadda Oxford iyo WHO.
Ku dhawaaqistan ayaa timid iyadoo Faransiisku uu soo sheegay kiiskiisii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay ee Ebola, kaas oo ku dhacay dhakhtar ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada oo ka soo laabtay hawlgal uu ka waday Congo, kadib markii uu daryeelay bukaan qaba Ebola isagoo la shaqeynayay hay’adda gargaarka ee ALIMA.
“Bukaanku xaaladdiisu waa wanaagsan tahay, wuxuu leeyahay calaamado fudud iyo qandho,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Cabdiraxmaan Maxamuud, Agaasimaha WHO ee digniinta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo howlaha jawaabta.
Maxamuud ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Faransiisku ay si degdeg ah u aqoonsadeen oo u karantiileen kiiska, isla markaana qiimeynta WHO ee khatarta ku wajahan Faransiiska iyo guud ahaan dunida “ay weli hooseyso.”
Mas’uuliyiinta caafimaadka Faransiiska ayaa sheegay in ay socoto baaritaan dhammaystiran oo cudur-faafiseed si loo ogaado dadka laga yaabo inay la kulmeen bukaanka.
Dadka la aqoonsado ayaa lala xiriirin doonaa hay’adda caafimaadka ee gobolka, waxaana la gelin doonaa karantiil guri oo soconaya 21 maalmood, iyadoo muddadaas si dhow loola socon doono xaaladdooda.
Tedros ayaa sheegay in kiiskani uu xusuusin u yahay halista ay wajahaan shaqaalaha safka hore ee la tacaalaya cudurka, isagoo xusay in ku dhowaad 80 shaqaale caafimaad ay qaadeen cudurka intii uu socday dillaaca.
Sida ay sheegtay WHO, hadda waxaa Congo ka jira 1,094 kiis oo Ebola ah oo la xaqiijiyay iyo 277 dhimasho.
Tan iyo markii cudurka la soo sheegay shan toddobaad ka hor, awoodda lagu daweeyo bukaannada ayaa ka korortay wax ka yar 10 sariirood ilaa in ka badan 500 sariirood oo ku kala yaalla 19 xarumood oo caafimaad, halka awoodda baaritaannaduna ay ka korortay 30 baaritaan maalintii oo lagu samayn jiray Kinshasa ilaa in ka badan 2,000 baaritaan maalintii oo laga sameeyo sagaal shaybaar oo ku kala yaalla saddex gobol.
Inkasta oo horumar la sameeyay, Tedros ayaa ka digay in faafitaanka cudurku uu weli ka dheereeyo dadaallada wax looga qabanayo, sababo la xiriira dhaqaale yari, dhacdooyin amni, dabagal aan ku filnayn oo lagu sameeyo dadka la xiriiray bukaannada, iyo helitaan xaddidan oo dhinaca gargaarka bani’aadannimada ah.
Dillaaca cudurka Ebola, oo saldhiggiisu yahay gobolka Ituri ee bariga Congo, ayaa ku fiday deegaannada dariska ah, wuxuuna sababay in dalka Uganda la xoojiyo la socodka cudurka iyadoo laga cabsi qabo inuu ka gudbo xuduudda.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa ka digay in dillaaca cudurku uu weli khatar weyn ku yahay gobolka, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen colaadaha, barakaca dadka iyo kaabeyaasha caafimaadka ee liita.
Dillaacan hadda socda waxaa sababay nooca dhifka ah ee fayraska Ebola ee Bundibugyo, kaas oo aan weli lahayn tallaal la oggolaaday. Cudurku wuxuu keenaa qandho daran oo dhiig-bax leh, wuxuuna ku faafo taabashada tooska ah ee dheecaannada jirka ee qofka cudurka qaba




















