| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, kalluumaysiga, dhaqaalaha buluugga ah.
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Soomaaliya iyo Indonesia oo ka wada hadlay iskaashiga waxbarashada, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Isniintii xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, T.B.H. Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, kalluumaysiga, dhaqaalaha buluugga ah, iyo qaybaha kale ee ay labada dal danaha ka wadaagaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Indonesia iskaashiga joogtada ah iyo xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal. Waxa uu dib u xaqiijiyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Indonesia.

Wadahadallada ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay labada dowladood xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi oo taageeraya horumar waara iyo barwaaqo ay labada dhinac wadaagaan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku Soo Gebagebeysay Shirka Isku-duwidda Miisaaniyadda
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Heer Wasiir ah oo Lagu Taageerayo Qudus iyo Goobaha Barakaysan
Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Plan International
Masar oo Sheegtay Inaysan Oggolaan Doonin Biyo-xireenno Cusub oo Itoobiya Ka Dhisto Webiga Niil
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bini’aadantinimo
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay doorka Turkiga, caalamkana u diray farriin maalgashi oo furan
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Safiir Hodan oo Wadahadallo Ku Saabsan Horumarinta Kaga Qeyb gashay Tokyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Aljeeriya
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Furay Shir Cilmiyeedka Khariidadda Horumarinta Ganacsiga Qaranka
In Ka Badan 1,400 Qof oo Ka Barakacay Weerarkii RSF ay Ka Fulisay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada
Wasiirka Warfaafinta oo Addis Ababa uga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda