| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Hadalka Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa yimid kadib markii Iiraan ay sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah oo kala dhexeeya Washington
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa si kulul u hadlay kadib markii Iiraan ay beenisay inay wada-hadallo kula jirto Maraykanka, isagoo qoraal carro leh oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ku caddeeyay in go'doominta milatari ee Maraykanka ay sii socon doonto ilaa la gaaro "Heshiis, ama is-dhiibid dhammaystiran."

Trump oo Iiraan ku tilmaamay "laba-wejiileyaal" si bareer ah oo faan ku jiro u sheegaya inaysan wada-hadal ku jirin, ayaa Isniintii qoray; "Haddii Iiraan ay rabto inay qirato iyo haddii kaleba, xaqiiqdu waxay tahay, waxaan ka wada hadlaynaa xal u helida dhibaato ay iyagu sababeen muddo tobannaan sano ah."

Hadalka Trump ee uu soo dhigay shabakadda Truth Social ayaa yimid kadib markii Iiraan ay sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah oo ay la leeyihiin Washington. Trump ayaa horey ugu adkeystay in wada-hadallo ay dhacayaan markii uu baajiyay duqeymo culus oo uu ku hanjabay inuu ku qaadayo Iiraan dhammaadkii usbuuca, isagoo arrintaas sabab uga dhigay codsiyo uga yimid quwadaha gobolka iyo xukuumadda Tehraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa Isniintii sheegtay in wada-hadallada keliya ee ay wadaan ay yihiin kuwa ay la leeyihiin dalka Cumaan, kuwaas oo looga hadlayo qorsheyaal lagu wadaagayo maamulka Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta caalamiga ah.

Trump ayaa dhankiisa ku adkeystay in Iiraan ay iyadu dalbatay wada-hadallo - "qaarna ay dhihi karaan way 'tuugtay'" - balse hadda ay wadaan "hadal-hayntoodii macne darrada ahayd" ee ku saabsanayd gacan ku haynta Hormuz.

Marinkaas, ayuu Trump carrabka ku dhuftay, "inay durba si buuxda u maamusho Ciidamada Badda Maraykanka iyo 'Go'doominteenna' ama, sida ay dadka qaar yiraahdaan, 'Darbiga Birta ah ee Maraykanka!' Ma jiro wax gudbi kara oo gaari kara Iiraan, illaa aan annagu doonno mooyee, waxna ma gudbi doonaan, ilaa la gaaro Heshiis, ama Is-dhiibid Dhammaystiran."

Dagaalka iyo Hadafyadiisa

Madaxweyne Trump ayaa 28-kii Febraayo, isaga oo garabsanaya Israa'iil, olole dagaal ku qaaday Iiraan.

Yoolalkii asalka ahaa ee dagaalkaas ayaa waxaa ka mid ahaa burburinta warshadaha nukliyeerka ee dalkaas, gantaallada, iyo in taageero la siiyo kacdoon shacab oo ka dhan ah dowladda Iiraan.

In ka badan shan bilood kadib, Iiraan ayaa weli awood u leh inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacdo bartilmaameedyada Maraykanka iyo xulafadiisa ee gobolka, waxayna weli gacanta ku haysaa kaydkeedii Yuraaniyaamka ee la tayeeyay.

In kasta oo uu jiro cadaadiska xooggan ee Maraykanka, weerarrada Iiraan ay ku qaaddo maraakiibta maraysa Marinka Hormuz ayaa si ba'an u saameeyay ganacsiga tamarta ee caalamka, taas oo xukuumadda Tehraan siisay kaar cusub oo xooggan oo ay u adeegsato ismari-waagan.

 

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku Soo Gebagebeysay Shirka Isku-duwidda Miisaaniyadda
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Heer Wasiir ah oo Lagu Taageerayo Qudus iyo Goobaha Barakaysan
Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Plan International
Masar oo Sheegtay Inaysan Oggolaan Doonin Biyo-xireenno Cusub oo Itoobiya Ka Dhisto Webiga Niil
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bini’aadantinimo
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay doorka Turkiga, caalamkana u diray farriin maalgashi oo furan
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Safiir Hodan oo Wadahadallo Ku Saabsan Horumarinta Kaga Qeyb gashay Tokyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Aljeeriya
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Furay Shir Cilmiyeedka Khariidadda Horumarinta Ganacsiga Qaranka
In Ka Badan 1,400 Qof oo Ka Barakacay Weerarkii RSF ay Ka Fulisay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada
Wasiirka Warfaafinta oo Addis Ababa uga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda