| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha ayaa ka furmay Muqdisho, iyadoo madaxda dowladda iyo masuuliyiinta amnigu ay ka hadlayaan xaaladda amniga dalka, marxaladihii uu soo maray iyo qorshayaasha hadda horyaalla hay’adaha amniga.
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay / SONNA

Shirka Qaran ee Amniga Gudaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay isugu yimaadeen masuuliyiin sare oo dowladda ka tirsan iyo dhinacyada amniga, si ay uga wada hadlaan amniga dalka, marxaladihii uu soo maray iyo qorshayaasha hadda laga filayo hay’adaha amniga.

Masuuliyiinta sare ee shirka ka qaybgalaya kana hadlay waxaa ka mid ah Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur; La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys Xaaji; Wasiir Mukhtaar Roobow; Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Cali Xoosh; Wasiirka Amniga Gudaha ee Federaalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil; iyo Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka hadlay muhiimadda amniga dalka, marxaladihii uu soo maray iyo qorshaha hadda laga filayo hay’adaha amniga.

La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys Xaaji ayaa yiri, “Qorshaha Amniga wuxuu xambaarsan yahay mas’uuliyad weyn oo dhinac walba leh.”

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa yiri, “Waxaa xaqiiqo ah in isbeddello waaweyn ay ku yimaadeen xaaladda amniga dalka, taasina waxay ku timid dadaallada ay sameeyeen hoggaanka qaranka.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Cali Xoosh ayaa yiri, “Si guul looga gaaro amniga, waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo isku-xirnaanta bulshada iyo dib-u-heshiisiinta.”

Wasiirka Amniga Gudaha ee Federaalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa yiri, “Xaaladda amniga dalka waxay hadda maraysaa meel aad u wanaagsan, waxaana taas lagu gaaray midnimada hay’adaha amniga.”

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa yiri, “Shirka Amniga Gudaha waxaa looga gol leeyahay in la dhiso nidaam amni oo Soomaali leedahay, kaas oo sidoo kale xaqiijinaya isla xisaabtan.”

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo Tayeynta Saxafiyiinta
Soomaaliya oo Ka Qaybqaadatay Shirarka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
Seyga Madaxweynaha Tansaaniya oo geeriyooday xilli uu ku jirey isbitaal lagu dabiibayey
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Taliska Gorgor ee Muqdisho
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Ku Dhawaad 1,700 Qof oo Amni-darro uga Barakacay Blue Nile ee Suudaan: IOM
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
Wasaaradda Gaadiidka & Duulista oo Dib u Eegtay Qorshayaasha Casriyeynta Duulista iyo Gaadiidka
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
Deynta dhalinyarada Mareykanka oo laga cafiyo si ay uga dagaalamaan Iiraan: Wargeys Israa’iili ah
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Turkiga oo cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah