| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Taliyaha sirdoonka Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas oo ka wada hadlay qorshaha nabadda ee Qaza
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray tubta loo marayo wejiga xiga ee qorshaha nabadda Qaza, iyadoo dhinacyadu ay ku baaqeen tallaabo caalami ah oo lagu joojinayo weerarrada Israa'iil.
Taliyaha sirdoonka Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas oo ka wada hadlay qorshaha nabadda ee Qaza
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), Ibraahim Kalin

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), Ibraahim Kalin, ayaa magaalada Istanbuul kula kulmay Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Khaliil Al-Xayya iyo wafdi uu hoggaaminayo, halkaas oo ay kaga wada hadleen dadaallada lagu horumarinayo wejiga labaad ee qorshaha nabadda Qaza, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Sida ay ilo wareedyadu u sheegeen wakaaladda wararka ee Anadolu, kulanka ayaa diiradda lagu saaray tubta loo diyaariyay in loogu gudbo wejiga labaad ee qorshaha nabadda, iyadoo dhinacyadii kulanka ka qayb galay ay hoosta ka xariiqeen jawaabta togan ee ay Xamaas ka bixisay soo-jeedintaas.

Labada dhinac ayaa muujiyay walaac ku aaddan in Israa’iil ay xoojisay gardarradeeda milatari ee Qaza, beddelkii ay ka jawaabi lahayd qorshaha tubta nabadda.

Waxay carabka ku adkeeyeen in beesha caalamku ay tahay inay degdeg u qaaddo tallaabo lagu joojinayo gardarrada Israa’iil.

Abaabulka Beesha Caalamka

Dhinacyada kulmay ayaa sidoo kale ka wada hadlay xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto, xilli uu weli socdo xasuuqa milatari ee ay Israa'iil ka waddo Qaza.

Waxay iftiimiyeen dhismaha deegaameynta sharci-darrada ah ee joogtada ah ee laga wado dhulalka la haysto iyo kororka xawliga ah ee rabshadaha ay geysanayaan dadka yuhuudda ah ee si sharci-darrada ah u deegaameysan.

Xaaladda bini'aadantinimo ee Qaza ayaa sidoo kale looga hadlay kulanka, waxaana Turkigu uu dib u xaqiijiyay taageerada uu siiyo Qaza isagoo u maraya dadaallo siyaasadeed iyo hindiseyaal loogu talagalay in lagu horumariyo gargaarka bini'aadantinimo, sida ay ilahaasi xuseen.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay dadaallada Turkiga ee ku aaddan inuu abaabulo beesha caalamka si loo soo afjaro xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Qaza, in laga hortago xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto, iyo sidii loo kordhin lahaa gargaarka bini'aadantinimo ee la gaarsiiyo go'doonkaas.

Dhinacyada ayaa dib u xaqiijiyay dadaallada wadajirka ah ee dalalka Turkiga, Qadar, iyo Masar ay ku doonayaan inay gacan uga geystaan sugidda nabadda Qasa.

Ugu dambeyn, Wafdiga Xamaas ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan dadaallada xukuumadda Ankara ay ku bixinayso sidii nabad looga dhalin lahaa Qaza.

XIGASHO:TRT World and Agencies