Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Cali Onaner, iyadoo uu wehelinayay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib istaraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageeridda amniga Soomaaliya, iyo sidoo kale ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Dhankiisa, Danjire Cali Onaner ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, wuxuuna mar kale adkeeyay ka go’naanshaha Turkiga ee garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana sii xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.