| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirkii 30-aad ee Isbahaysiga Dowladaha Xeebaha Badweynta Hindiya: Bali
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka xeebaha Badweynta Hindiya, ka doodista iyo go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira Guddiga Kalluunka Tuna ee Badweynta Hindiya (IOTC).
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirkii 30-aad ee Isbahaysiga Dowladaha Xeebaha Badweynta Hindiya: Bali
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirkii 30-aad ee Isbahaysiga Dowladaha Xeebaha Badweynta Hindiya: Bali / Others
15 saacadood ka hor

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Dirshe, ayaa ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee 30-aad ee Isbaheysiga Dalalka Xeebaha Badweynta Hindiya, kaas oo haatan ka socda magaalada Bali ee dalka Indonesia.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka xeebaha Badweynta Hindiya, ka doodista iyo go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira Guddiga Kalluunka Tuna ee Badweynta Hindiya (IOTC), iyo iswaydaarsiga khibradaha ku saabsan maareynta, ilaalinta, iyo horumarinta waarta ee kheyraadka badda.

Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ay ku ballaarinayso dhaqaalaheeda buluugga ah isla markaana ay ku horumarinayso maamulka kheyraadkeeda badda, iyada oo taageero ka helaysa saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

XIGASHO:SONNA