Soomaaliya: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiillada Warshadaha

Intii uu shirku socday, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhexaysa dowladda iyo bahda warshadaha.

By
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiillada Warshadaha / Social Media

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wakiillo ka socday milkiilayaasha iyo maamulayaasha warshadaha dalka.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi iyo iskaashi, ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa madasha kulanka ku wehlinayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Maxamed Abuukar Shariif, iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, Xaawo Axmed Xasan.

Intii uu shirku socday, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhexaysa dowladda iyo bahda warshadaha.

Waxaa sidoo kale diiradda la saaray horumarinta siyaasado hufan oo dhiirrigelinaya kobaca wax-soo-saarka iyo maalgelinta qaybta gaarka loo leeyahay.

Mas’uuliyiinta iyo wakiillada ayaa si wadajir ah uga dooday muhiimadda ay leedahay hirgelinta aagagga warshadaha, xallinta caqabadaha hortaagan soo-saareyaasha maxalliga ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta iyo awoodda farsamo ee bahda warshadaha dalka.

Kulankan ayaa laf-dhabar u ah dadaallada joogtada ah iyo istaraatiijiyadda isgaarsiineed ee ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadahu ku horumarinayso ganacsiga dalka, iyadoo ujeeddada ugu weyn ay tahay in la xoojiyo kobaca dhaqaalaha, lana dhiirrigeliyo doorka muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay uu ku leeyahay isku-filnaanshaha qaranka.