| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka & kaabayaasha dhijitaalka
Intii uu kulanku socday, wafdiga ayaa lala wadaagay khibradda qotada dheer ee Baakistaan u leedahay nidaamyada aqoonsiga, diiwaangelinta dadweynaha iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee loo adeegsado daadejinta adeegyada dowladda.
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka & kaabayaasha dhijitaalka
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka iyo kaabayaasha dhijitaalka ah

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho shaqo oo ku saleysan khibrad-wadaag ku tagay dalka Baakistaan, iyadoo diiradda la saarayay horumarinta nidaamka aqoonsiga qaranka iyo kobcinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee adeegyada dowladda.

Safarkan oo ay gacan ka geysatay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), ayaa qayb ka ah iskaashi soo billowday sanadkii 2018 oo u dhexeeya hay’adda NIRA iyo dhiggeeda Diiwaangelinta iyo Keydka Xogta Qaranka ee Baakistaan (NADRA).

Wafdiga Soomaaliya ayaa xarunta dhexe ee NADRA ee magaalada Islamabad waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha hay’addaas, Sarreeye Guud Maxamed Muniir Afsar.

Intii uu kulanku socday, wafdiga ayaa lala wadaagay khibradda qotada dheer ee Baakistaan u leedahay nidaamyada aqoonsiga, diiwaangelinta dadweynaha iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee loo adeegsado daadejinta adeegyada dowladda.

Labada dhinac ayaa isku raacay in aqoonsiga qaranku uu yahay laf-dhabarta kaabayaasha dowladnimo ee casriga ah, isla markaana uu fure u yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda iyo muwaadiniinta, fududeynta helitaanka adeegyada bulshada iyo kuwa maaliyadeed, dhiirrigelinta ka-qaybgalka dadweynaha, iyo abuuridda kalsooni buuxda oo lagu qabo hay’adaha dowladda.

NIRA iyo NADRA ayaa sidoo kale isla falanqeeyay fursado cusub oo lagu sii ballaarin karo iskaashiga nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta, iyadoo si gaar ah xubnaha wafdiga Soomaaliya ay diiradda u saareen tayeynta nidaamka aqoonsiga qaranka ee haatan dalka laga hirgelinayo.

Maareeyaha Guud ee NIRA ayaa dhiggiisa hay’adda NADRA uga mahadceliyay taageerada farsamo ee ballaaran ee ay ka geysatay aas-aasidda iyo hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya.

Muddadii ay ku sugnaayeen dalka Baakistaan, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo aqoon-is-weydaarsi ah la yeeshay madaxda hay’adaha muhiimka u ah kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Tiknoolojiyadda iyo Isgaarsiinta, Guddiga Qaranka ee Tiknoolojiyadda Macluumaadka, Guddiga Dhoofinta Barnaamijyada Kombiyuutarka, Sanduuqa Qaranka ee Tiknoolojiyadda, iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Wadahadalladan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray qaabka aqoonsiga qaranka loogu lammaanin karo adeegyada dowladda iyo nidaamyada dhijitaalka ah, is-dhaafsiga xogaha ee u dhexeeya hay’adaha kala duwan, dejinta halbeegyo lagu mideynayo nidaamyada, keydinta iyo ilaalinta xogta, iyo sidoo kale kor u qaadista awoodda farsamo iyo tayada shaqaalaha.

Dhinacyada ayaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii aqoonsiga dhijitaalka ah uu u fududeyn lahaa bixinta adeegyada bulshada, uguna sahli lahaa muwaadiniinta inay si ammaan ah, degdeg ah, oo hufan ugu helaan adeegyada maaliyadeed iyo kuwa dowladnimo.

Hay’adda UNDP ayaa dhankeeda xustay in booqashadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga loo yaqaan “Koonfur-Koonfur”, kaas oo waddamada soo koraya u sahlaya inay isdhaafsadaan khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah.

Wakiilka UNDP ee dalka Baakistaan, Samuel Rizk, iyo ku-xigeenkiisa Van Nguyen, oo iyaguna kulamadani goobjoog ka ahaa, ayaa si wadajir ah dhinacyada ugu xaqiijiyay in la taageerayo yoolalka horumarinta waara ee Qaramada Midoobay, si gaar ah qodobbada la xiriira helitaanka aqoonsi sharci ah iyo diiwaangelinta madaniga ah ee muwaadiniinta.

Ugu dambayn, hay’adda NIRA ayaa hoosta ka xariiqday in khibradaha laga kororsanayo dalka Baakistaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dardargelinta dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto dhisidda nidaam aqoonsi oo la isku halleyn karo, kaas oo muwaadiniinta ku xiraya adeegyada dowladda, isla markaana udub-dhexaad u noqon doona dhidib-u-aasidda kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka.