| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka & kaabayaasha dhijitaalka
Intii uu kulanku socday, wafdiga ayaa lala wadaagay khibradda qotada dheer ee Baakistaan u leedahay nidaamyada aqoonsiga, diiwaangelinta dadweynaha iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee loo adeegsado daadejinta adeegyada dowladda.
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka & kaabayaasha dhijitaalka
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka iyo kaabayaasha dhijitaalka ah

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho shaqo oo ku saleysan khibrad-wadaag ku tagay dalka Baakistaan, iyadoo diiradda la saarayay horumarinta nidaamka aqoonsiga qaranka iyo kobcinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee adeegyada dowladda.

Safarkan oo ay gacan ka geysatay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), ayaa qayb ka ah iskaashi soo billowday sanadkii 2018 oo u dhexeeya hay’adda NIRA iyo dhiggeeda Diiwaangelinta iyo Keydka Xogta Qaranka ee Baakistaan (NADRA).

Wafdiga Soomaaliya ayaa xarunta dhexe ee NADRA ee magaalada Islamabad waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha hay’addaas, Sarreeye Guud Maxamed Muniir Afsar.

Intii uu kulanku socday, wafdiga ayaa lala wadaagay khibradda qotada dheer ee Baakistaan u leedahay nidaamyada aqoonsiga, diiwaangelinta dadweynaha iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee loo adeegsado daadejinta adeegyada dowladda.

Labada dhinac ayaa isku raacay in aqoonsiga qaranku uu yahay laf-dhabarta kaabayaasha dowladnimo ee casriga ah, isla markaana uu fure u yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda iyo muwaadiniinta, fududeynta helitaanka adeegyada bulshada iyo kuwa maaliyadeed, dhiirrigelinta ka-qaybgalka dadweynaha, iyo abuuridda kalsooni buuxda oo lagu qabo hay’adaha dowladda.

NIRA iyo NADRA ayaa sidoo kale isla falanqeeyay fursado cusub oo lagu sii ballaarin karo iskaashiga nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta, iyadoo si gaar ah xubnaha wafdiga Soomaaliya ay diiradda u saareen tayeynta nidaamka aqoonsiga qaranka ee haatan dalka laga hirgelinayo.

Maareeyaha Guud ee NIRA ayaa dhiggiisa hay’adda NADRA uga mahadceliyay taageerada farsamo ee ballaaran ee ay ka geysatay aas-aasidda iyo hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya.

Muddadii ay ku sugnaayeen dalka Baakistaan, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo aqoon-is-weydaarsi ah la yeeshay madaxda hay’adaha muhiimka u ah kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Tiknoolojiyadda iyo Isgaarsiinta, Guddiga Qaranka ee Tiknoolojiyadda Macluumaadka, Guddiga Dhoofinta Barnaamijyada Kombiyuutarka, Sanduuqa Qaranka ee Tiknoolojiyadda, iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Wadahadalladan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray qaabka aqoonsiga qaranka loogu lammaanin karo adeegyada dowladda iyo nidaamyada dhijitaalka ah, is-dhaafsiga xogaha ee u dhexeeya hay’adaha kala duwan, dejinta halbeegyo lagu mideynayo nidaamyada, keydinta iyo ilaalinta xogta, iyo sidoo kale kor u qaadista awoodda farsamo iyo tayada shaqaalaha.

Dhinacyada ayaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii aqoonsiga dhijitaalka ah uu u fududeyn lahaa bixinta adeegyada bulshada, uguna sahli lahaa muwaadiniinta inay si ammaan ah, degdeg ah, oo hufan ugu helaan adeegyada maaliyadeed iyo kuwa dowladnimo.

Hay’adda UNDP ayaa dhankeeda xustay in booqashadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga loo yaqaan “Koonfur-Koonfur”, kaas oo waddamada soo koraya u sahlaya inay isdhaafsadaan khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah.

Wakiilka UNDP ee dalka Baakistaan, Samuel Rizk, iyo ku-xigeenkiisa Van Nguyen, oo iyaguna kulamadani goobjoog ka ahaa, ayaa si wadajir ah dhinacyada ugu xaqiijiyay in la taageerayo yoolalka horumarinta waara ee Qaramada Midoobay, si gaar ah qodobbada la xiriira helitaanka aqoonsi sharci ah iyo diiwaangelinta madaniga ah ee muwaadiniinta.

Ugu dambayn, hay’adda NIRA ayaa hoosta ka xariiqday in khibradaha laga kororsanayo dalka Baakistaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dardargelinta dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto dhisidda nidaam aqoonsi oo la isku halleyn karo, kaas oo muwaadiniinta ku xiraya adeegyada dowladda, isla markaana udub-dhexaad u noqon doona dhidib-u-aasidda kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka.

Raadi Warar Kale
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo Xoojinaysa Xiriirka Ganacsi ee Labada Dal: Muqdisho
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Sharciga Bangiga Dhexe
SoDMA, FAO iyo Norway oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga El Niño iyo Digniinta Hore ee Musiibooyinka
Soomaaliya oo Warbaahinta uga Digtay Faafinta Borobagaandada Argagixisada
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Sagal Cabdi-Wali: Gabar Soomaaliyeed oo Qaxooti Aheyd oo xildhibaan ka noqotay Baarlamaanka Britain
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka ee XFS oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Wada Shaqeynta
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug
RW Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano