| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu sare u qaadi doono tayada adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo, isla markaana uu yareyn doono baahidii ay bukaannadu u qabeen in ay xarumaha kale u aadaan adeegyadan.
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Soomaaliya: Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa Khamiistii xarigga ka jaray qaybo cusub oo si casri ah loo qalabeeyay oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu soo bandhigay adeegyo caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo isugu jira mashiinka baarista ee CT Scan oo casri ah, Bangiga Dhiigga (Blood Bank) oo dib-u-casriyeyn lagu sameeyay si uu uga qaybqaato badbaadinta nolosha bukaannada, iyo qaybta sheybaarka oo tayeynteeda kor loo qaaday si loo helo baaritaanno degdeg ah oo la isku halleyn karo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu sare u qaadi doono tayada adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo, isla markaana uu yareyn doono baahidii ay bukaannadu u qabeen in ay xarumaha kale u aadaan adeegyadan.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la horumariyo oo la ballaariyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan daryeel caafimaad oo hufan.

Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo Ku Baaqday Nabad ka Hirgasha Hiiraan
Wasiirka Amniga Gudaha oo Daah-furay Shirweynaha Wadatashiga Amniga ee DF iyo DG-yada
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo La Kulmay Madaxweynaha Kenya
Xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo majaraha usii haya aqlabiyadda kadib doorashadii Itoobiya
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaallamayo hadallada naceybka
Wafdi ka socda Baarlamaanka DFS oo ka qayb galay Shirka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Aasiya & Afrika
“Doorta sanduuqa codbixinta, ee ha dooranin dagaal,” Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur
IGAD oo ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya kadib xiriirka Israa’iil iyo Somaliland
Soomaaliya iyo Masar oo heshiis iskaashi ka gaaray horumarinta daawada iyo adeegyada caafimaadka
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya
Heshiiska is-afgaradka ah ee Mareykanka iyo Iiraan oo “si rasmi ah loo dhammaystiray” lana saxiixay
Madaxda Masar, Qatar iyo Imaaraadka oo Kala Hadlay Hoggaamiyeyaasha G7 Xasilloonida Bariga Dhexe
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulankii 28-aad ee Madaxda Ururka IORA oo Ka Dhacay New Delhi
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday UNFPA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Ganacsato iyo Maalgashadeyaal Talyaani ah
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya 2026
Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashiga Kalluumeysiga, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Batroolka