| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu sare u qaadi doono tayada adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo, isla markaana uu yareyn doono baahidii ay bukaannadu u qabeen in ay xarumaha kale u aadaan adeegyadan.
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Soomaaliya: Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa Khamiistii xarigga ka jaray qaybo cusub oo si casri ah loo qalabeeyay oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu soo bandhigay adeegyo caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo isugu jira mashiinka baarista ee CT Scan oo casri ah, Bangiga Dhiigga (Blood Bank) oo dib-u-casriyeyn lagu sameeyay si uu uga qaybqaato badbaadinta nolosha bukaannada, iyo qaybta sheybaarka oo tayeynteeda kor loo qaaday si loo helo baaritaanno degdeg ah oo la isku halleyn karo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu sare u qaadi doono tayada adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo, isla markaana uu yareyn doono baahidii ay bukaannadu u qabeen in ay xarumaha kale u aadaan adeegyadan.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la horumariyo oo la ballaariyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan daryeel caafimaad oo hufan.

Raadi Warar Kale
Israa’iil iyo Netanyahu oo Wajahaya Aragti Caalami ah oo Aan Wanaagsanayn: Xog ururin
Xoghayaha Guud ee QM oo Walaac Ka Muujiyay Wararka Rabshadaha ka Dhacay Muqdisho
Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed
Danjirayaasha Soomaaliya u Fadhiya Ciraaq iyo Faransiiska oo ka Tacsiyeeyey Geeridii MW Cabdirabbuh
Soomaaliya, Midowga Yurub iyo UNDP oo Ka Wadahadlay Ballaarinta Helitaanka Caddaaladda Dalka oo Dhan
Musharraxiinta Guddoonka Baarlamaanka KG oo La Guddoonsiiyay Shahaadooyinka Musharraxnimo
Wasiirka Cadaaladda XFS oo La Kulmay EU iyo UNDP Kalana Hadlay Horumarinta Nidaamka Cadaaladda
Howlgallo Amni oo CXDS ay Fuliyeen oo Lagu Dilay Ugu Yaraan 28 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Soomaaliya iyo EUCAP oo Ka Wadahadlay Xoojinta Qaab-dhismeedka Amniga Dalka
SoDMA iyo QM oo Dib u Eegay Xaaladda Bani’aadantinimo, Xoojiyayna Dadaallada Isku-duwidda Gargaarka
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ee Seoul
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed
Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO oo Ka Digay Xayiraadaha Safarka ee la Xiriira Ebola
27 Qof oo Lagu Dilay Weerar ay RSF ku Qaadday Tuulooyin ku yaalla Waqooyiga Kordofan ee Suudaan
Soomaaliya oo Doonaysa Xoojinta Iskaashiga Difaaca ee Ruushka Intii lagu jiray Booqasho Rasmi ah
Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Ciidan oo ka Socda Talyaaniga
Wasiirka Maaliyadda XFS oo la Kulmay Bangiga Horumarinta Afrika si loo Dardargeliyo Maalgashiga
Dowladda Federaalka oo Adkaysay Waajibaadka Amniga, Kana Hortimid Dib Ugu Noqoshada Doorasho Dadban
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo Ciidda Udxiyada u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka