| Somali
SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka tanaasulay dhalashadii Kenya
Tallaabadan ayaa soo afjaraysa in ka badan labaatan sano oo uu heystay dhalashada dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka tanaasulay dhalashadii Kenya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si rasmi ah uga tanaasulay dhalashadiisii dalka Kenya, isagoo ku celiyay baasaboorkiisii Kenya iyo dukumentiyadii la xiriirayba Safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

Wareejintan ayaa dhacday Isniinta, 3-da bisha Ogosto 2026, intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay safaaradda, halkaas oo Xaaji uu dukumentiyada ku wareejiyay Ku-xigeenka Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Elias Barre Shill.

Tallaabadan ayaa soo afjaraysa in ka badan labaatan sano oo uu heystay dhalashada dalka Kenya.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay muran dublamaasiyadeed iyo mid sharci oo soo shaac baxay bishii Juun ee la soo dhaafay, markaas oo mas'uuliyiinta Kenya ay u diideen in uu dalkaas galo, kadib markii ay shaki geliyeen habka uu ku helay baasaboorkiisa Kenya.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Kenya, Xaaji ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku tagay isagoo wata baasaboor dublamaasi ah oo Soomaali ah iyo dal-ku-gal sax ah, balse waxaa la weydiiyay su'aalo lagaga duulayo walaac la xiriira dukumentiyadiisa dhalashada Kenya.

Intaas kadibna waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Isagoo hadlayay markii uu wareejiyay dukumentiyada, ayuu ku adkeystay in dhalashadiisa Kenya ay ahayd mid sharci ah oo soo jireen ah, isagoo gaashaanka u daruuray eedeymaha sheegaya inuu si khaldan ku helay dhalashadaas.

“Waxaan maanta go’aansaday in aan celiyo dhalashadii Kenya ee aan heystay, si rasmi ahna aan uga tanaasulo,” ayuu yiri. “Go'aankan waxa uu ka dhashay xaaladihii dhawaanahan soo kordhay iyo caqabadaha haysta dadkeena.”

Mudane Xaaji ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabadan aan loo fasirin cadaawad ka dhan ah Kenya, wuxuuna ku tilmaamay dal saaxiib dhow ah, bahwadaag ah, iyo waddan walaal ah oo xiriir qoto dheer oo taariikhi, bulsho iyo dhaqaale la leh Soomaaliya.

Wuxuu qiray taageerada tobannaan sano soo jirtay ee dalka Kenya uu siinayay bulshada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin martigelinta qaxootiga, bixinta fursadaha waxbarasho, fududeynta ganacsiga iyo soo-dhoweynta ganacsiga iyo maalgashiga Soomaalida.

“Kenya iyo dadkeedu waxay ahaanayaan walaalaheen iyo saaxiibbadeen,” ayuu raaciyay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka dalka Kenya uu ku leeyahay amniga Soomaaliya, oo ay ka mid tahay kaalinta ciidamada Kenya ee ka hoos shaqeeya hawlgallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in, doorkiisa isagoo ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, uu doortay inuu horay ugu socdo oo keliya dhalashadiisa iyo aqoonsigiisa Soomaalinimo.

Xaaji ayaa xaqiijiyay in uu sii wadi doono socdaallada uu ku gelayo baasaboorka dublamaasiga ah ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu aaminaad buuxda ku qabo dukumentiyada qaranka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu la hadlay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka warbixiyay dhibaatooyinka ay kala kulmaan safarrada, gaar ahaan marka ay marayaan garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, isagoo ku boorriyay in ay kalsooni ku qabaan dhalashadooda.

“Waan fahamsanahay walaaca iyo dhibaatooyinka ay la kulmeen qaar ka mid ah muwaadiniintu,” ayuu yiri. “Balse waxaan ku dhiirrigelinayaa Soomaalida in ay kalsooni ku qabaan dhalashadooda, si sharaf lehna ugu tiirsanaadaan baasaboorkooda Soomaaliga ah.”

 

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
NISA oo sheegtay in toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay Shabeellaha Hoose
Ilhaan Cumar oo aqlabiyad weyn ku guulaysatay doorashadii is-reebreebka Xisbiga Dimuqraadiga
Soomaaliya: Guddiga Doorashooyinka oo la kulmay wakiillada Beesha Caalamka
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta dooranaya Guddoomiye cusub
Muqdisho-Islamabad: Wasiir Fiqi oo wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay Taliyaha Milatariga Pakistan
Baarlamaanka Yugaandha oo meelmariyay qorshe ciidamo loogu dirayo marinka Qaza
Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xarumaha diinta iyo waxbarashada Islaamka ku soo rogay nidaam cusub
Madaxweynaha Turkiga oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Golaha Ku-meelgaarka ah ee Suudaan
Netanyahu oo la sheegay inuu Trump ku riixay dagaalka iiraan
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo danjiraha Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Soomaaliya: hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo la dilay
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub