Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee Gobolka Zamfara ee dalka Nigeria
Soomaaliya ayaa si adag u dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan haweenka iyo carruurta la afduubtay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay weeraradii argagixiso ee dhowaan ka dhacay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo galaaftay nolosha tobanaan qof oo rayid ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkan uu sababay geerida in ka badan 50 qof oo shacab ah, iyadoo sidoo kale la afduubtay dumar iyo carruur aan waxba galabsan. Soomaaliya ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid ka baxsan bini'aadantinimada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Nigeria xilligan adag. Dhanka kale, Dawladda Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh u dirtay eheladii iyo qoysaskii ay dadkoodu ku nafwaayeen weerarkan, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka dhaawacyadu ay soo gaareen.
Soomaaliya ayaa si adag u dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan haweenka iyo carruurta la afduubtay. Sido kale, Soomaaliya ayaa bogaadisay, soona dhoweysay dadaallada ay waddo dowladda Nigeria ee ku aaddan in sharciga iyo cadaaladda la hor keeno kooxihii ka dambeeyay falkan dhiigga badan uu ku daatay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fariin muhiim ah u dirtay dalalka qaaradda Afrika, iyadoo ugu baaqday in meel looga soo wada jeesto ciribtirka argagixisada. Bayaanka ayaa carabka ku adkeeyay in dalalka qaaraddu ay muujiyaan midnimo iyo iskaashi dhab ah, lana siiyo mudnaanta koowaad ilaalinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah.
Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay, halka tiro dumar iyo carruur ahna waa la afduubtay, kadib markii rag hubeysan ay weerareen tuulo ku taalla gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xildhibaan ka tirsan ismaamulkaasi.
Hamisu A. Faru, oo ah xildhibaan matala deegaanka koonfurta Bukkuyum, ayaa sheegay in dableydu ay gudaha u galeen tuulada Tungan Dutse abbaare 5:00 galabnimo ee maalintii Khamiista, ayna deegaankaas ku sugnaayeen ilaa 3:30 aroornimo ee Jimcihii.
Intii uu weerarku socday, kooxdan hubeysan ayaa gubay dhismayaal kala duwan, iyagoo sidoo kale toogtay dadkii shacabka ahaa ee isku dayay inay naftooda la baxsadaan.
"Waxay isaga gooshayeen tuulooyinka... iyagoo ka tagay ugu yaraan 50 qof oo meyd ah," ayuu Faru khadka taleefanka ugu sheegay wakaaladda Reuters.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in tirada rasmiga ah ee dhibanayaasha la afduubtay aan weli si dhab ah loo xaqiijin karin. Odayaasha dhaqanka iyo mas'uuliyiinta dowladda hoose ayaa wali ku howlan baadi-goobka iyo tirakoobka si loo ogaado dadka saxda ah ee la la'yahay.