| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
JOHANNESBURG: Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka noqday Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika, kaddib go’aan lagu gaaray shir ka dhacay Johannesburg. Xubinnimadu waxay soo gabagabeysay hannaan socday 14 bilood.
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika / SONNA

Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqday Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika, kaddib go’aan lagu gaaray Shirweynaha Guud ee Sannadlaha ah iyo Shirweynaha Aasaaska Shabakadda oo ka dhacay Johannesburg, Koonfur Afrika.

Shirka oo socday 13 ilaa 16 Sebtembar waxaa martigeliyay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika, iyadoo taageero laga helayay Hay’adda Konrad-Adenauer-Stiftung. Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta Golaha, Cabdiraxmaan-Koronto Maxamed Aadan, iyo La-taliyaha Golaha, Cabdiqani Cabdullaahi Axmed.

Xubinnimadan ayaa soo gabagabeysay hannaan socday 14 bilood, kaas oo Golaha Warbaahinta Soomaaliya uu ka bilaabay Shirweynihii Labaad ee Golayaasha Warbaahinta Afrika ee lagu qabtay Arusha, Tanzania, bishii Luulyo 2025. Intii uu shirkaasi socday, Golaha ayaa gudbiyay codsiyada xubinnimada Shabakadda iyo Ururka Caalamiga ah ee Golayaasha Saxaafadda.

Bishii May ee sannadkan, Ururka Caalamiga ah ee Golayaasha Saxaafadda ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliya xubin rasmi ah ka dhigay, kaddib shirweynihii guud ee ururka oo lagu qabtay Nairobi.

Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika waxaa la aasaasay bishii May 2024, waxayna isu keentaa golayaasha warbaahinta madaxa-bannaan iyo hay’adaha u qaabilsan nidaaminta warbaahinta ee qaaradda. Ujeeddadeedu waa horumarinta xorriyadda warbaahinta, anshaxa saxaafadda, isla xisaabtanka iyo iskaashiga golayaasha warbaahinta ee Afrika.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah