Mexico: Xaaladda Jalisco ee galbeedka Mexico kadib rabshadihii kooxaha burcadda daroogada
Rabshadaha waaweyn ayaa billowday ka dib markii ciidanka dalkaasi ay ku dhawaaqeen inay dileen Nemesio "El Mencho" Oseguera, oo ahaa hoggaamiyaha awoodda badan ee kooxaha burcadda daroogada
Dadka ku dhaqan gobolka Jalisco ee dalka Mexico ayaa Isniintii si taxaddar leh dibadda ugu soo baxay, ka dib markii mowjado rabshado aargoosi ah oo ay wadeen kooxaha daroogada ay gilgileen gobolkaas dhammaadkii toddobaadka, taas oo ka dhalatay geerida hoggaamiye weyn oo ka tirsanaa mafiada.
Magaalo-madaxda gobolka ee Guadalajara, dugsiyada ayaa weli xirnaa, sidoo kale ganacsiyo badan ayaan albaabada loo furin. In kasta oo gaadiidka dadweynuhu uu qaybi ahaan dib u billowday, haddana basaska ayaa siday rakaab aad u yar.
Dadka waddooyinka lagu arkayay ayaa u muuqday kuwo u socda dukaamada raashinka si ay u kaydsadaan raasinka, iyadoo laga cabsi qabo in xubnaha kooxaha burcaddu ay mar kale xiraan waddooyinka oo ay gubaan gawaarida iyo dukaamada.
Tallaabooyinkan rabshadaha wata ayaa billowday ka dib markii ciidanka dalkaasi ay ku dhawaaqeen inay dileen Nemesio "El Mencho" Oseguera, oo ahaa hoggaamiyaha awoodda badan ee karkellka "Jalisco New Generation". Hoggaamiyahan ayaa u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray iska horimaad dhexmaray isaga iyo mas'uuliyiinta Axaddii, taas oo kicisay rabshado ay ka mid yihiin weeraro aargoosi ah iyo baxsasho maxaabiis oo dhacday.
Maaddaama ay gabaabsi noqdeen gaari-gacmeedyada dukaamaysiga, dadka qaar ayaa iibsaday dambiilaha dharka lagu dhaqo si ay ugu ritaan raashinka ay iibsanayaan. Waddooyinka magaalada, mas'uuliyiintu waxay bilaabeen inay ka saaraan haraaga gawaarida gubtay ee ku go’ay waddooyinka.
In kasta oo mas'uuliyiintu sheegeen inay dhammaadeen rabshadihii ugu darnaa, haddana xaaladdu meelaha qaar weli waa kacsan tahay. Waddada aadda magaalada Tapalpa—halkaas oo Oseguera lagu dilay - xubno ka tirsan kartelka ayaa weli ku sugan baraha kantaroolka ee waddooyinka.
Qiyaastii 10,000 oo askari ayaa la geeyay si ay u soo celiyaan xasilloonida ka dib markii rabshado ay ka qarxeen 20 ka mid ah 32-ka gobol ee Mexico, oo ay ku jirto magaalada loo dalxiis tago ee Puerto Vallarta.
Yuu Ahaa "El Mencho"?
Oseguera, oo 59 jir ahaa, ayaa waxaa loo arkayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu dambeeyay ee daroogada ee raacay raadkii arxan-darra weynaa ee hoggaamiyeyaashii hore sida Joaquin "El Chapo" Guzman. Waxa uu ahaa xubin aasaasay kooxda "New Generation" sannadkii 2009, taas oo u kortay mid ka mid ah ururada dambiyada ee ugu rabshadaha badan Mexico.
Dagaalkii lagu dilay Oseguera iyo rabshadihii xigay, waxaa ku dhintay ugu yaraan:27 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga, 46 qof oo looga shakisan yahay dambiilayaal, 1 qof oo rayid ah.
In kasta oo geerida Oseguera loo dabbaaldegay guul ahaan, khubarada ayaa ka digaya in maqnaanshaha qof si toos ah u beddela ay keeni karto loolan awoodeed oo dhiig badani ku daato, kaas oo ay dhex maraan kooxaha gudahooda si ay u buuxiyaan booska uu banneeyay.